Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa lagu wadaa maalinta berri ah in uu ka furma Magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuuda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee ururka.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliye ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maalinta berri ah uu Magaalada Muqdisho ka furmaya shirka ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyada oo lagu casuumay 50 qofood oo ka kala socda 7-da wadan ee ururka.

Ajandaha shirka ayaa ah sidii looga shaqeyn lahaa, loona eegi lahaa in ay Soomaali gaartay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyada oo Magaalada Muqdisho joogi doonaan ku dhawaad 10 Berri. Waxaana lagu wadaa martida in ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay Shir Hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isaga oo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

14 Augusta wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya (2015-2017) loogu magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

25 October Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.