Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirguddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.
Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska.
“Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay, “in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna,” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ayaa si wada jir ah u bogaadiyay dagaalladii ka dhacay Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaanno dhawr ah.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Madaxweynayaasha dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Duqa Muqdisho. Waxaana shirka maqnaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.