Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

456

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta oo Khamiis ah Shir Guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Gobolka Nugaal.

Saraakiisha Amniga ayaa Warbixino ka siiyay Taliyaha Qaybta Shaqada socota, isaga oo sidoo kale Su’aalo ka weeydiiyay howlaha Nabadgalyada Gobolka Nugaal oo mararka qaar ay ka dhacaan falal Amni darro.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay ka warqabaan Carruurtooda maadaama la galay xilliga fasixii Goobaha Waxbarashada ee degmooyinka iyo degaannada Gobolka Nugaal.

Taliye Xuseen ayaa sidoo kale Saraakiisha ugu baaqay adkeynta Amniga iyo inay u adeegaan Bulshada Gobolka Una Dhimriyaan, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Bulshada Hobolka inay kala Shaqeeyaan Amniga laamaha Ammaanka una soo gudbiyaan wixii khalqal gelinaya Amniga.

Degaannada iyo Degmoouinka Gobolka Nugaal ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal Alni darro oo ay geystaan Al-Shabaab halka mararka qaar ay Ciidamada fuliyaan howlgallo Amni xaqiijin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here