shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

194

Waxaa degmada Cayuun ee gobolka Nogob ka dhacay shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan oo ka dhacay tuulada Darida ee degmada Cayuun ayaa sababtiisa lagu sheegay shaagga ama taayirka hore oo u baxay.

Waxaan ku dhintay 4 qof oo dirawalku ku jiro, waxaa kale oo ku dhaawacmay 2 ruux sida uu noo sheegay guddoomiyaha degmada Cayuun mudane Garaad Cabdi Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here