Shiinaha iyo Taiwan waxaana laga cabsi qabaa dagaal toos ah in uu qarxo.

123

Dowladda shiinaha ayaa walj wado howgal ay ka wado Jasiirada Taiwan waxaana laga cabsi qabaa dagaal toos ah in uu qarxo.

 

Militeriga Shiinaha ayaa maalintii Labaad dib u billaabay howlgal dhoollatus ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee ka dhacay gobolkaas.

 

Shalay iyo maantaba waxay ciidanka Shiinaha samaynayeen dabrid ay qayb ka yihiin gantaallo lagu riday meelo u dhow Taiwan, iyagoo u muuqday inay hareereeyeen jasiiraddaas.

 

Wararkii ugu dambeeyay maanta soo baxaya waxay sheegayaan in dowladda ka talisa Taiwan ay amar ku siisay taliskeeda militeriga inay howlgeliyaan diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta, si ay ula socdaan xaaladda.

 

Taiwan ayaa sidoo kale rakibtay gantaallada difaaca hawada ee laga hago dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here