Shan qodob oo culeeskooda wata oo horyaala Lafta Gareen

228

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqashadii ugu horraysay ee uu kaga baxo magaalada Muqdisho tan iyo markii bartamihii bishan May loo doortay xilkaaasi, waxa uu ku tagay magaalada Baydhaba, ee xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa la filayay in madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), hasayeeshee afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, ayaa sheegay in aysan labada mas’uul yeelan doonin wax wadahadal gaar ah.

Haddaba madaxweyne Laftagareen waxaa horyaal dhowr arrimood oo muddada uga dhiman xilka, waxaana ka mid ah :

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo aan lahayn guddoomiye rasmi ah.

Danjire Cali Saciid Fiqi, gudoomiyihii hore Baarlamaanka Koofur Galbeed

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa tan iyo markii guddoomiyihii hore, Danjire Cali Saciid Fiqi, uu ka mid noqday xildhibaannada Golaha Shacabka, waxa uusan lahayn guddoomiye hoggaamiya, inkasta oo ay joogaan guddoonka intiisii kale.

Dajire Cali Fiqi ayaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed waxaa loo doortay kowdii bishii Abriil 2020-kii, markaas oo 83 cod uu ku guulaystay.

Cali oo ah diblomaasi afgaaban oo badanaaba aan lagu arkin fagaarayaasha siyaasadda, ayaa shaqooyin kala duwan waxa uu ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa inuu ahaa nin aad ugu dhawaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, arrintaas loo malaynayo inay ku dhiirrigelisay inuu ku biiro Golaha Shacabka.

Hasayeeshee tan iyo dabayaaqadii bishii Feberaayo ee 2022, markaas oo Cali Fiqi uu xilkaasi banneeyay ayaa waxaa kusimaha guddoomiyaha ahaa, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Nuur Maxamed Macalin.

Balse illaa hadda ma muuqato saansaantii lagu qaban lahaa doorashada guddoonka baarlamaankaasi.

Intii uu guddoomiyaha ahaa Dr Cali Fiqi waxaa muuqatay in golaha sharci dajinta iyo fulinta ay isku dhinac wax u wadeen.

Arrinta Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobwo (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaan jiray madaxdii sarsare ee ururka Al-Shabaab ayaa muddo ku dhaw afar sanadood waxa uu ku jiraa xabsi guri ay gelisay dowladdii uu hogaamin jiray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mukhtaar Roobow ayaa isu soo dhiibay dowladda federaalka kaddib muddo ay wadahadallo u socdeen oo uu ku doonayay inuu kaga soo goosto ururka Al-Shabaab ee uu sanado badan madaxdooda ka tirsanaa, markaas oo uu ku dhawaaqay inuu isaga baxay ururka Al Shabaab, isagoo isla waqtigaas shacabka ka codsaday inay ka cafiyaan khaladaadkii uu horay u galay.

Wuxuuse waxoogaa kaddib shaaciyay inuu ka qeyb galayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed ee lagu waday in la qabto bishii Diseembar ee 2018, isagoo billaabay ol’ole siyaasadeed oo xoog leh.

Hasayeeshee dabayaaqadii bishii Nofeembar 2018, Mukhtaar Roobow ayaa waxaa lagu xiray magaalada Baydhabo, halkaas oo gashay jahwareer amni iyo mid siyaasadeed kaddib markii la sheegay inay xireen ciidammo Itoobiyaan ah.

Tan iyo waqtigaasna Mukhtaar Roobow waxa uu ku jiray xabsi guri, halkaas oo mararka qaar xaaladdiisa caafimaad laga soo dayrinayay.

Hasayeeshee madaxweynaha haatan xilka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intii uu ka tirsanaa hoggaamiyeyaashii mucaaradka waxa uu ololayn jiray siideynta Mukhtaar Rooboow, waxa uuna mar sheegay inuu soo siideyn doono haddii madaxweyne loo doorto.

Markii ugu dambeysay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si shaac ah uga hadlay arrinka Mukhtaar Rooboow waxa ay ahayd bishii Luuliyo 2021-dii, xilligaas oo uu marti ku ahaa barnaamij ka baxayay shabakadda Garowe Online qeybteeda Twitter Space, wuxuuna yiri “Waa la afduubtay, sababo siyaasadeed ayaana loo afduubay, Mukhtaar dowladda ayuu isu soo dhiibay, baasaboor ayaa loo sameeyay, safaro ayuu dibedda u aaday, markii uu soo laabtayna waan tartamayaa ayuu dhahay, lagama celin, markii doorashada waxyar ka dhimantahay ayaa lasoo qabtay, waana la xirey, dadkiisana ma arkaan, maxkamadna lama saarin”.

Hasayeeshee afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo BBCda u warramay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen aanay ka wadahadli doonin arrinta Abuu Mansuur “Mukhtaar Roobow ma ahan mowduuc gaar ah oo madaxweynaha uu si gaar ah uga hadlayo,”.

Sidaasi oo ay tahay waa qodobada horyaala madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu xalkeeda raadiyo ka hor inta dowladda federaalka aysan iskeed go’aan uga gaarin kiiska siyaasigan hadal haynta badan dhaliyay.

Saamaynta Ciidammada Itoobiya

Tan iyo markii la dhisay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya dabayaaqadii 2014, waxaa soo baxayay warar sheegayay in maamulkaasi ammaan ahaan uu ku tiirsan yahay ciidammada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo kuwo aanan howlgalkaasi ku jirin.

Ciidammadaas ayaa lagu eedeeyay in loo adeegsaday in ay gacan ka gaystaan cidda ku soo baxda doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad goboleedkaasi Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo midkii badelay waa Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka helayeen ciidammadaasi.

Hasayeeshee agaasimihii hore ee madaxtooyada Koonfur Galbeed xilligii madaxweyne Shariif Xasan, Cali Ibraahim Cali (Shaamey), ayaa ku doodaya in ciidammada Itoobiya aanay gacan toos ah ku lahayn siyaasadda Koonfur Galbeed.

“Lama dhihi karo siyaasadda ayey gacan ka gaystaan, taa waxaa gacan ka gaysta dowladda federaalka ee Soomaaliya, siyaasiyiinta Koonfur Galbeed kuwa jooga iyo kuwii hore, ma aaminsani intaas wax ka baxsan in ciidammada Itoobiya ay samayn karaan,” ayuu yiri Cali Shaamey.

“Laakiin way dhici kartaa sida hore u soo dhacdayba in marmar dowladda federaalka ay isticmaasho, loo baahdo cadaadis ay ciidammadaas u isticmaali karaan iyagoo meelo kale u soo maraayo.”

Ciidammada Itoobiya lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen xarigii Mukhtaar Roobow ku dhawaad afar sanadood ka hor, markaas oo Roobow uu ka mid ahaa dadkii ugu cadcadaa ee u taagnaa xilkaasi, iyadoo tallaabada xarigiisa lagu tilmaamay in loogaga hor istaagayay inuu tartamo.

Hasayeeshee markii isbadelka madaxtinimo uu dalka galay bartimihii sanadkan ayaa waxaa soo baxayay astaamo muujinaya in siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah ay doonayaan inay markooda ka ag dhawaadaan Itoobiya.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii u soo shaacbaxay sawir la soo dhigay baraha bulshada ay ku wada xiriiraan oo muujinaya madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan la yeeshay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Lama oga waxa ay labada dhinac ka wadahadleen, hasayeeshee waxaa soo baxayay warar tibaaxayay in Shariif Xasan uu doonayo inuu mar kale noqdo madaxweynaha maamulkaasi.

Xiriirka Madaxweynaha Cusub

Waxaa jiray tuhun ah in xiriirka labada madaxweyne uusan wanaagsanayn, maadaama la sheegayay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu aad ula safnaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hasayeeshee afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii doorashada baalkaasna la soo xiray, dhanka kalana waxa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha uu ku shaqeyn doono hal ku dheggiisii caanbaxay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ololaha inta uu ku jiray iyo marka uu guulaystay oo uu xilka la wareegay intaba waxa uu ku celceliyay in odaynimadii, akhyaarnimadii, iyo nabaddoonimadii uu ku galay doorashadii ay siyaasaddiisu ku qottomi doonto,”

“Soomaalidu nin qura lama wada jiri karto, haddii nin qura ay la wada jiri karto doorashaba ma dhacdeen, dadku inuu kala saftana waa quruxda dimuqraadiyadda.” ayuu yiri Cabdikariim Cali Kaar.

Xiriirka Guddoonka Golaha Shacabka iyo Laftagareen

Tan iyo markii lagu kalabaxay doorashadii madaxtinimada ee Soomaaliya 15-kii bishan May, waxaa dhanka kale soo baxayay in dhinacyadii ku kala aragtiyo duwanaa musharraxiinta ku tartamay doorashadaasi ay yeelanayeen kulamo ay isku aaraa dhaafsanayeen.

Sheekh Aadan Madoobe, gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii laga soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, walow uusan haddana ku jirin raggii uu sida gaarka ah xilkaas ugu taageeray madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in halkaas ay jug culus oo siyaasadeed ay ka soo gaartay maadaama laga adkaaday musharraxii uu la rabay inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Cali Ibraahim Cali (Shaamey), agaasimihii hore ee madaxtooyada Koonfur Galbeed xilligii madaxweyne Shariif Xasan, ayaa ku doodaya in laga soo gudbay waqtigii ololaha doorashada haatanna ay tahay in labada mas’uul ay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed ee soo aaddan.

“Ma filaayo wixii hadda laga soo gudbay ee doorashadii iyo waxyaabihii soo dhacay oo isqabqabsi ah oo loo gudbinaayo doorashada cusub ee soo socota inay jirto ma filaayo.” Ayuu yiri Cali Shaamey.

Illaa hadda ma jiro wax khilaaf ah oo muuqda oo u dhaxeeya madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here