Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Akhriso:- Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya
    Dibadda

    Akhriso:- Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weli waxaa Turkiga iyo Suuriya ka socda howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay dhul gariirkii dhimashada badnaa ee dhacay 6-dii Bishan February. Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 21,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul gariirka Isniintii ku dhuftay Koonfurta Turkiga iyo Waqooyiga Duuriya.

    Turkiga oo ay saameynta ugu badan gaartay ayaa laga wadaa gumrmad xoog leh iyo raadinta dadka ku hoos jira gurburka dhismeyaaha.

    Dhanka kale, lix gawaarida xamuulka qaada ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay maanta ka xudbay xadka uu Turkiga la wadaago Suuriya, taasoo noqoneysa kaalmadii ugu horreysay ee calami ah ee la gaarsiiyo Suuriya.

    Tan iyo markii uu dhul gariirku dhacay waxaa lasoo tebiyay dhowr mucjiso oo la arkay.

    Cunug ay xuddunta hooyadiis ku dhaggan tahay

    Saacado ka dib markii uu dhacay dhul gariirka, xilli ay si xowli ah u socdeen howlaha gurmadka ayaa la maqlay qeylo.

    Mid ka mid ah dhismeyaasha burburay ayuu kasoo baxay nin wada cunug yar oo dhowr saacadood uun dhallan.

    Arrinta mucjisada ah waxay ahayd in cunugga yar oo gabar ah ay ku dhagganeyd xuddunta hooyadeed oo meyd ah.

    Hooyada wey ku geeriyootay musiibada laakiin ilmaha yar ayaa badbaaday. Guriga uu qoyskan dagganaa waxaa saacado ka hor waqtiga uu dhacay dhul gariirka isugu tagay dad isu diyaarinayay dhalashada gabadha yar ee la filayay.

    Dhammaan dadkii qoyskeeda ahaa ayaa halkaas ku wada geeriyooday, gabadha dhalatay kaligeed ayaana soo hartay.

    Mucjisadan ayaa lagu arkay magaalada Afrin ee waqooyiga Suuriya.

    Shimbir bannaanka usoo baxday 50 saacadood ka dib

    Farxad ayaa la muujinayay mar kasta oo burburka dhismeyaasha laga soo saaro qof nool. Laakiin dhisme ka mid ah guryaha ku burburay magaalada Malatya ee dalka Turkiga ayaa laga soo saaray shimbir nooca la xannaaneysto ah oo nool.

    Isla markii shimbirtan la soo bixiyay ayey billowday in ay si sare ku qeyliso.

    Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa kartoon ku riday shimbirtan oo ah nooca dadka hadallada ka daba dhaha ee afka qalaad lagu dhoho “Parrot”.

    Dabaq 7 biyaano ah iyo 62 saacadood

    Dhisme ka kooban 7 dabaq oo ku yaallay magaalada Adiyaman ee dalka Turkiga ayaa ka mid ahaa guryaha uu burburiyay dhul gariirka awoodda badnaa.

    Kooxaha gurmadka ayaa 62 saacadood ka dib musiibadaas la kulmay mucjiso kale.

    Wiil yar ayaa isagoo nool laga soo saaray burburka toddobada dabaq hoostiisa, kaasoo sawirradiisa iyo muuqaallo laga duubay ay si weyn u faafeen.

    Hay’adda difaaca rayidka ee Suuriya, White Helmets oo muuqaallada dhul gariirka aruurineysay ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaalka wiilka yar oo markii lasoo bixiyay billaabay in uu dhoolla qoslo.

    Qoys dhammeystiran oo iyagoo nool lasoo bixiyay

    Burburka guri ku yaallay Suuriya oo uu dhul gariirku dumiyay ayaa laga soo badbaadiyay dad ka kooban hal qoys oo iyagoo hurda ay musiibadu dhacday.

    Arrinta mucjisada ah ee ku saabsan dhacdadan waa in qoyskaas uusan hal qof ka dhaawacmin, dhammaantoodna lasoo saaray iyagoo nool.

    Waxaa muuqaallo laga arkayay kooxda gurmadka oo marka hore soo bixinaya carrurta ka dibna dadka waaweyn.

    Magaalooyin ka tirsan Suuriya oo uu saameeyay dhul gariirka ayaan wax caawinaad ah helin saacado ka dib dhul gariirka.

    Waddankan ayaa in ka badan toban sano ku jira dagaal sokeeye oo sababay amni darro.

    Dhul gariirka oo ruxi waayay jacaylka u dhaxeeya wiil iyo gabar walaalo ah

    Dad badan ayey guryahooda ku dumeen markii uu dhacay dhul gariirka khasaaraha badan sababay.

    Dadkaas waxaa ka mid ahaa wiil iyo gabar walaalo ah oo ku aasmay gurigooda.

    Markii waqtiga uu dhul gariirku dhacay ay kasoo wareegeen 36 saacadood ayey kooxaha gurmadka dhisme hoostiisa ka heleen wiil iyo gabar walaalo ah oo uu dhagax wyn ku daboolnaa.

    Wajiyadooda waxaa ka buuxay bus, indhahooduna wey furnaayeen.

    Laakiin waxaa aad loola yaabay markii la arkay gabadha oo gacanteeda ku ilaalineysa madaxa walaalkeed, sida uu shaaciyay telefishinka CNN ee dalka Mareykanka.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWaxay dooratay in ay sun cabto halka ay ka guursan lahayd qofkii ka guuleystay ninkeeda
    Next Article Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Buuq xoogan oo hareeyay kulanka BF + Sababta

    February 25, 2023

    Buuq xoogan ayaa maanta hareeyay kulan ay haatan xildhibaanada Golaha Shacabka uga socdo xarunta Villa…

    Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka

    March 10, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.