Howl-galka Ururka Midowga Afrika ATMIS ayaa haatan bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, waxaana Axaddii shalay talisku wareejiyay saldhigga Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka aya waxa ay sidoo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baalayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, iyo haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.
“Iyada oo qayb ka ah hannaanka wareejinta, UNSOS waxa ay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ugu deeqday Ciidamada XDS ee kala wareegaya ATMIS saldhigga. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha SNA si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkan,” ayuu yiri Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.
Si kastaba, dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-da iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-da.