Sanado badan oo kibir iyo daan-daansi ah kadib, sidee Finland iyo Sweden ugu soo gacan galeen ERDOGAN?

118

Xiriirka Turkey iyo Yurub wuxuu mar kasta ahaa mid ku saleysan isma hurto, ee ma jirin rabitaan iyo qanacsanaan labada dhinac ah.

Yurubta weligood raali kama noqon inay arkaan dal Muslim ah oo awood badan oo deris lah, balse awoodda iyo saameynta Turkey ee gobolka ee aan la difiri karin ayaa ku qasbeysay inay la macaamilaan, inkasta oo daan-daansi iyo xadgudubyo joogto ah ay ku hayeen.

Sweden iyo Finland waxay sanaddii 2019 ka mid noqdeen dalal dhowr ah oo Reer Yurub ah oo cunaqabateyn dhanka hubka ah kusoo rogay Turkey, sababo la xiriira duulaankii ay Ankara ku qaaday dhulka Syria ee ku teedan xuduudda ay labada dal wadaagaan, si ay uga sifeyso argagixisada PKK iyo YPG.

Waxaa intaas dheer in Stockholm ay sanado badan marti-gelineysay xubno Kurdish ah oo xiriir la leh kooxda PKK, inkasta oo kooxdaas ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayada oo dhegaha ku fureysaneysay qeylo-dhaanta Ankara ee ah inay soo dhiibaan ama ugu yaraan dalkooda ka eryaan.

Labadna dal ee Nordic ah waxay iska dhaadhiciyeen inaysan weligood u baahan doonin Turkey, ayaga oo aan marnaba xisabata ku darin in adduunyadu tahay meerto, oo si deg deg ah ay wax kasta isku beddeli karaan.

Isbeddel lama filaan ah

Sidaas ayaana dhacday 24-kii Febraayo 2022 markii Ruushka uu duulaan ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, taaso oo mowjado argagax iyo cabsi ah u dirtay Yurub, gaar ahaan dalalka aan qeybta ka aheyn xulufada NATO.

Finland oo xuduud dheer la wadaagta Ruushka iyo Sweden waxay sanado badan cayaarayeen siyaasad dhex-dhexaadnimo ah ayaga oo aan qeyb ka aheyn gaashaanbuurta Reer Galbeedka ee NATO.

Balse duulaanka Moscow ayaa ku qasbay inay siyaasaddaas beddelaan, waxayna deg deg u qaadeen tallaabooyin ay ku codsanayaan xubunnimada NATO, oo ay si rasmi ah u dalbadeen bartimihii May.

Labadii dal ee Nordic ee sanado badan ku jees-jeesayey Ankara, waxay si lama filaan ah ugu soo dhaceen gacanta Turkey iyo madaxweyne Erdogan, sababo la xiriria qodob muhiim ah oo ku jira xeerka NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay.

Turkey oo loo baahan yahay

Qodobkaas ayaa dhigaya in dal kasta oo cusub oo xubin ka noqonaya NATO ay qasab tahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee ururka xubinta ka ah, taasi oo Turkey siisay awood baaxad leh, oo ay ku hor-istaagi karto xubunnimada labadan dal.

Madaxweyne Erdogan kama daahin durba inuu u sheego Helsinki iyo Stockholm inay iska hilmaamaan xubunnimada NATO illaa ka saxayaan qaladaadkii ay Ankara ka galeen.

Hadalka Erdogan wuxuu farriin cabsi iyo lama filaan ah u diray Reer Galbeedka, waayo cidna ma fileyn in Turkey ay caqaabd ku noqon karto ku-biiristo Sweden iyo Finland ee NATO.

Finland iyo Sweden waxay hadda ku qasbanaadeen inay hoos yimaadaan Turkey lana furaan wada-hadallo ay uga codsanayaan inay aqbasho dalabkooda, ayna diyaar u yihiin inay xaliyaan walaacyada ay qabto.

Hase yeeshee madaxweyne Erdogan ma qaadanayo xal af iyo diblomaasiyad ah, wuxuuna hordhigay shuruudo adag oo ay tahay inay fuliyaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka laabtaan cunaqabateyntii ay saareen, sidoo kalena usoo gacan geliyaan xubnaha PKK ee dalalkooda ku sugan iyo qodobo kale.

Laba daran mid dooro

Labadan dal, waxaa hadda haysata laba daran mid dooro oo ah; inay iska hilmaamaan ku biirista NATO oo muhiim u ah amnigooda iyo badbaadadooda, iyo inaya aqbalaan oo ay fuliyaan shuruudaha Turkey, taasi oo bahdil iyo sharaf dhac weyn ku noqon doonto.

Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo Reer Galbeed ah oo si caadifadeysan wax u cabiraya ayaa soo jeedinaya in Turkey laga saaro NATO, haddii ay diiddo xubunnimada Finland iyo Sweden.

Hase yeeshee, marka la eego awoodda ciidan ee Turkey, oo ah dalka labaad ee ugu ciidanka badan NATO kadib Mareykanka, iyo halka uu gobolka kaga yaallo, waxaa cad in xubunnimada Turkey ay ka muhiimsan tahay tan Finland iyo Sweden.

Sidaas darteed, ma furna albaab aan ka aheyn in Helsinki iyo Stockholm ay la macaamilaan Ankara, taasi oo hadda muuqata maadaama ay wada-hadallo toos ah la fureen.

Sanado badan oo daan-daansi iyo isla weyni ah kadib, Finland iyo Sweden waxay hadda kusoo dhaceen gacanta Erdogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here