Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo isaga baxay shir uu ku casuumay Uhuru Kenyatta

150

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Tarsan ayaa ka baxay kulan casumaad ah oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata usameeyey safiirada dalkiisa kusugan, ka dib markii ay Dawladda Kenya kulanka kucasuntay xubno kasocda Somaliland, gaar ahaana u qaabilsan dalka Kenya, una aqoonsatay Safiirnimo, sidaas oo kalena lays bar-bardhigay Kuraasta ay fariisanayaan labada dhinac, madasha waxaa lakeenay Calanka Soomaaliya iyo kan Somaliland oo isbarbar-yaala.

 

Taas oo kadhigan in ay Kenya u aqoonsato Somaliland Dal kamid ah dalalka ay casuntay ee safiirada, taas oo ay kacarootay dawladda Faderaalka.

 

Safiirka Soomaaliya ayaa kabaxay shirka, waxaan dhambaal deg deg ah la gaarsiiyey Villa Soomaaliya, taas oo ay safaarada Soomaaliya ku cadeynayso ficilada Kenya ee ka dhan ah madax banaanida dalka.

 

Kenya, xariirka ay la leedahay Soomaaliya ayaa xumaa 4-tii sanno ee lasoo dhaafay sababo la xariira kuxadgudubka Dhulka, Hawada iyo Badda Soomaaliyeed, taas oo ay Muqdisho kuhakisay xariirka kuna diiday ficilada Kenya ee hareer-marsan sharciyada caalamiga ah, waxayna Nairobi horey u doonaysay in ay qaadato qeyb kamid ah Badda Soomaaliya, taas oo aysan wali aqbalin go’aankii Maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here