Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare ayaa waxba kama jiraan ka dhigay sheegashada ‘AS’ ee ah in ay dishay ciidamo itoobiyaan ah oo gaaraya 167 askari.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ‘AS’ ay isku dayi karto in ay weerarto ciidamada Itoobiya balse 10 daqiiqo xitaa aanay rasaas ku ridi Karin waa sida uu yiri isaga oo intaas ku daray in xirfad ciidan ay leeyihiin ciidamada Difaaca Dalkaas.

Safiirka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee lagu weeraray Gobolka Bakool ay mar weliba ka feejignaayeen weerarro jidgal ah oo uga imaan kara ‘AS’ sidaas awgeed uu weerarka billowday iyaga oo taxadar dheeraaad ah ka qaba.

“Waa ay isku dayi karaan in ay weeraraan ciidamada Itoobiya balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada Difaaca Itoobiya, Ciidankani waa kuwo xirfad leh waayo aad ayay u qalabaysan yihiin, warka ‘AS’ ma ahan wax ka badan dacaayad” ayuu yiri Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya oo la hadlay VOA Somali.

Dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ayaa shalay labo weerar ku qaaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Itoobiya oo ku sugan Gobolka Bakool gaar ahaan waxa ay isaga kala gudbayeen deegaannada u dhaxeeya Ceel-barde & Xudur.

Share.

Leave A Reply