Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Premier League wuxuu xirmayaa maanta oo Talaadado ah marka ay saacaddu ku beegan tahay caawa 23:00 GMT – waxaana jira heshiisyo suurtagal ah oo la filayo kuwaas oo sii kordhin kara lacagta rikoorka ah ee horay loo bixiyay.
Ilaa £550m ayaa la kharash gareeyay bishan, taasoo jabisay rikoorkii 2018 ee ahaa £430m.
Xilliga kama dambaysta ah ee Horyaalka Kubadda Cagta Ingiriiska uu ku eg yahay in ciyaartoy lasoo iibsado sidoo kale waa 23:00, halka Scotland ay tahay 23:59.
Horyaalka Bundesliga ee Jarmalka wuxuu xirmi doonaa 17:00, Serie A-da Talyaaniga 19:00, Horyaalka Spain ee La Liga 23:00 iyo Ligue 1 France oo albaabada la isugu dhufan doono 11:59 – halkaas oo uu kusoo gabagaboobayo suuqii January 2023.
Rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska ayaa la jabin karaa maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga ee Janaayo, taasoo noqoneysa markii ugu horeysay oo ay sidaas dhacdo tan iyo sanadkii 2011 markaas oo kooxda Chelsea ay 50 milyan ginni kula soo wareegtay xiddigii hore ee Liverpool, Fernando Torres.
Chelsea ayaa dalab €120m ah oo u dhigma (£105.6m) ka gudbisay xiddiga Benfica ee u dhashay dalka Argentina, Enzo Fernandez.
Arsenal ayuu waqtiga kasii dhammaanayaa iyadoo isku dayeysa inay heshiis lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Brighton Moises Caicedo ka dib markii laga soo diiday dalab 70 milyan ah.
Tababare Sean Dyche ayaa Isniintii loo magacaabay kooxda dhibtooneysa ee Everton sidaas darteed wuxuu wajahayaa degdeg haddii uu doonayo wajiyo cusub. Saacadaha ka harsan maanta oo keliya ayuu heystaa si uu ciyaaryahanno cusub usoo iibsado.
Haddaba maanta saddexda magac ee sida weyn loogu hadal hayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa kala ah Sean Dyche, laacibka Khadka dhexe ee ay ku raad joogto Arsenal, Moises Caicedo iyo Enzo Fernandez oo ay rabto Chelsea.
Kooxaha heerka sare ee Ingariiska ayaa qarash gareeyay ku dhawaad £2.5bn xilli ciyaareedkan, oo ay ku jirto rikoorka qarash gareynta xagaaga ee 1.9 bilyan ginni, taasoo aad uga sarreysa rikoorkii hore ee ahaa £1.86bn oo la diiwaangeliyay 2017-18.
Maxaa dhacay ilaa hadda?
Chelsea ayaa si aad ah u dajiyay daaqadan iyagoo doonaya inay dib ugu soo laabtaan afarta kooxood ee ugu sareysa.
Kooxda Blues ee uu milkiilaha ka yahay Todd Boehly ayaa 200 milyan ginni kula soo wareegay 7 ciyaaryahan oo cusub, oo ay ku jiraan Benoit Badiashile (£35m), Andrey Santos (£18m), Joao Felix (amaah ah 9.7 milyan ginni), Noni Madueke (£30.7m) iyo Mykhailo Mudryk (£62m ayaa kor u kacday ilaa £89m).
Xoogaa dhaqdhaqaaq yar ah ayey sameeyeen kooxaha Chelsea uga sarreeya kala horreynta dhibcaha horyaalka Ingiriiska ee sanadkan, sida Liverpool oo gacanta ku dhigtay weeraryahanka Netherland Cody Gakpo oo ka yimid PSV, Arsenal oo la wareegtay Leandro Trossard oo Brighton ka tagay iyo Newcastle oo Anthony Gordon kasoo qaadatay kooxda Everton.
Manchester United oo iyadana suuqa lugta lasoo gashay ayaa heshiis amaah ah ku soo qaadatay weeraryahanka reer Holland Wout Weghorst oo ka tirsan kooxda Burnley.
Sida la fahmi karo, waxaa jiray howlo badan oo ay suuqa ka sameeyeen kooxaha isku dayaya in aysan ka bixin horyaalka inta ka hartay xilli ciyaareedkan.
Wolves ayaa ku mashquulsan saxiixa labada weeraryahan ee kala ah Matheus Cunha iyo Pablo Sarabia , laacibka khadka dhexe ee lagu magacaabo Mario Lemina iyo daafaca la yiraahdo Craig Dawson si ay u xoojiyaan kooxda tababare Julen Lopetegui.
Nottingham Forest ayaan weli weli si xowli ah ku socota marka la eego shaqada ay ka waddo suuqa iyadoo xagaagan oo keliya lasoo wareegay 23 ciyaaryahan, oo ay ku jiraan ciyaartoyda khadka dhexe ee Brazil Danilo iyo Gustavo Scarpa, iyo weeraryahan Chris Wood, oo u dhaqaaqay garoonka City Ground bishaan.
Leeds ayaa jabisay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga si ay ula soo saxiixato weeraryahan Georginio Rutter, waxayna sidoo kale oggolaatay inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mareykanka Weston McKennie oo ay amaah uga soo qaadatay Juventus, halka kooxaha kale ee ciyaartoyda keensaday ay kala yihiin Bournemouth (Dango Ouattara 20 milyan ginni), West Ham (Danny Ings 12 milyan ginni) iyo Southampton (Mislav Orsic iyo Carlos Alcaraz marka la isku daro 20 milyan ginni).
Kooxda Everton ayuu suuqu u ahaa mid adag, iyadoo lumisay mid ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah, Gordon halka Arnaut Danjuma uu ku gacan seyray ka hor inta uusan aadin kooxda Spurs wax yar ka dib markii la ceyriyay tababarihii Everton, Frank Lampard.
Maxay yihiin heshiisyada la filayo?
Sida aan horayba uga soo hadalnay, Fernandez iyo Caicedo ayaa ah bartilmaameedyada ugu lacagta badan ee suuqa kala iibsiga ah ee ku jira maalinta ugu dambeysa.
Isniintii waxaa soo baxay war lama filaan ah oo sheegayay in daafac-dambeedka midig ee Manchester City Joao Cancelo uu ka hadlayo heshiis amaah ah oo uu ugu biirayo Bayern Munich taasoo keeni karta in 70m euro (£ 61.5m) lagu iibsado xagaaga.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Stuttgart Naouirou Ahamada ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Crystal Palace oo ku iibsatay 11m euro (£9.7m), halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Jonjo Shelvey uu wadahadal kula jiro kooxda Nottingham Forest, haddii u uku biirana waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii 26-aad ee ay soo iibsadaan xilli ciyaareedkan.
Dhowr ciyaartoy oo ka tirsan Championship-ka Ingiriiska ee heerka labaad ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxaha ka tirsan Premier League, sida weeraryahanka Coventry, Viktor Gyokeres, daafaca Stoke, Harry Souttar iyo khadka dhexe ee Sheffield United, Sander Berge.