Saddex ka mid ah Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iscasilay

109

 

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi.

Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.

Tani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here