Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Amiir Khaalid Bin Salmaan waxa Kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Milliteriga dalka Pakistan, General Sayid Asim Munir Ahmed Shah oo haatan booqasho Rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Labada Mas’uul waxay ka wada xaajoodeen hababka loo xoojin karo Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Milliteriga, Difaaca iyo Danaha Guud ee labada dal ee Arrimaha Gobalka iyo kuwa Caalamiga.

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Taliyaha Guud ee Milliteriga Pakistan, General Asim Munir uu booqasho ku kala bixin doono Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta muddada u dhexeyso bishan January 4-dii ilaa 10-da.

General Asim Munir waa socdaalkii u horeeyey ee uu ku tago dalka Sacuudiga tan iyo markii loo magacaabay Xilkaasi bishii November 24-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii, waana Taliyihii 11-aad ee xilka Wasiirka Difaaca ka soo noqda dalka Pakistan.

Qalinka Ustaad Nuuradiin Abuukar