Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson oo haatan falanqeeye ahaan uga faalooda kubadda cagta England ayaa sidii dhaqanka u ahayd dhiibtay saadaashiisa Premier League ee toddobaadkan.

Aan ku bilawnee kooxda kharashka badani ku baxay ee Chelsea ayuu qabaa inay wadada guulaha kusoo laaban doonto toddobaadkan kaddib mudo dheer oo ay hadda guul la’aan ahayd xilli ay kulan London Derby booqanayso West Ham United.

Merson ayaa aaminsan in hoggaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal iyaguna ka badin doonaan kooxda London la dagta ee Brentford.

Man United oo habeen hore Old Trafford barbardhac kagala kulantay Leeds United ayuu Merson aaminsan yahay inay kooxdaasi Axada kasoo adkaan doonaan iyagoo markale ku ballansan Elland Road.

Paul ayaa diiday inuu Man City ka reebo Arsenal wuxuuna u saadaaliyay kooxda horyaalka difaacanaysaa inay ka adkaan doonto Aston Villa oo macalin Unai Emery hormood u yahay

Liverpool oo dheelaysa kulan Merseyside Derby ah ayuu Merson iyagana guul ka siiyay Everton iyo tababaraheeda cusub ee Sean Dyche oo Usbuucii hore Arsenal ka yaabsaday.

Ugu dambayn, kooxda uu Paul toddobaadkan guusha u diiday ayaa ah Tottenham oo booska afraad haatan hal dhibic u jirta isla markaana booqanaysa Leicester City.

Saadaasha Paul Merson

West Ham 1-2 Chelsea

Fulham 2-0 Nottingham

Leicester 2-2 Tottenham

Arsenal 2-1 Brentford

Crystal Palace 1-2 Brighton

Southampton 0-1 Wolves

Bournemouth 0-1 Newcastle United

Leeds 0-3 Man United

Man City 2-0 Aston Villa

Liverpool 2-0 Everton