Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay Safiirka Mareynka u fadhiya Muqdisho Larry J. Andre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga mahadcelineyso dowladda Mareykanka taageerada ay siido dowladda sida hinacyada Amniga, La-dagaallanka Al-Shabaab, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadannimada.
Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo.
Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa 30-kii March 2023-ka Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub kaas oo badali doona danjiraha hadda waqtigiisa dhammaaday Larry André, isaga oo soo magacaabay Richard Riley.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada, isaga oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.
Danjiraha cusub ayaa badala safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre, oo 16-kii April 2021-ka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u soo magacaabay Soomaaliya isaga oo badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay 2021-ka illaa 2018-kii.