Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay fariimo uu sheegay in ay uga timid Shacabka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay kamid yihiin in dhagaxaanta laga qaado waddooyinka Caasimadda.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-qaran ay ka shaqeyneyso adkeynta Amniga loona baahan yahay in ay Shacabku kordhiyaan la shaqeynta Saraakiisha iyo ciidamada ku howlan sugidda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay soo gaartay fariinta uga timid bulshada Soomaaliyeed ugana jawaabi doonaan sida ugu macquulsan maadaama ay u adeegayaan Bulshada waa sida uu hadalka u dhigay.
“Amniga haddiiba uu fiicnaaday in dhagaxaanta la qaado waa fariimaha naga soo gaaray Bulshada reer Muqdisho waana sameyneynaa haddii alle idmo” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Fariinta labaad ee uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ahayd mid la xiriirta dhinaca waddooyinka Caasimadda, saameynta roobka Dayrta uu ku yeeshay Muqdisho iyo jawaabta Bulshada ay ka sugeyso Dowladda ayuu sheegay in Iyana falcelin laga sameynayo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayuu u sheegay in waddo la dhiso keliya aanay muhiim ahayn balse loo baahan yahay in la raadiyo meelaha ay biyaha maraan si jidadka caasimadda ee dib u dhiska loogu sameeyo loo isticmaalo marweliba.
“Waxaa Gobolka fareynaa in ay u howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa oo waan hubaa in aanay habeennadaan seexan oo aad u ordayeen, sideydaba habka biyaha u fadhiistaan Magaaladaan & sida loo dhisayo way is diidan yihiin, Jidka lasii dhiso wax weyn ma keenayo haddii aan la helin goobo ay biyuhu maraan oo culeys badan ayaa jira” Xamsa Cabdi Barre.
Labada Fariin uu sheegay in ay gaartay Ra’iisul Wasaare Xamsa ee kala ah: 1-Waddooyinka u xiran Dowladda iyo 2-Jidadka Xareeddu fadhiso waa labo arrin oo saameyn weyn ku reebtay Bulshada Magaalada Muqdisho iyaga oo qaarkood dhowr jeer ay dalbadeen in wax laga qabto.