Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Ruushka ma wuxuu qaadi rabaa weerar cusub maalinta sanad guurada koowaad ee dagaalka Ukraine?
    Gudaha

    Ruushka ma wuxuu qaadi rabaa weerar cusub maalinta sanad guurada koowaad ee dagaalka Ukraine?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka gaashaandhigga ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushu uu isu diyaarinayo duullaan wayn oo cusub, waxaana uu ka digay inuu bilaaban doono markii la gaaro 24-ka Febraayo.

    Oleksii Reznikov ayaa sheegay in Moscow inay isu keentay kumannaan askar ah ayna suuragal tahay “inay wax iskudaydo” si ay ugu xusto sannadguurada koobaad ee ka soo wareegatay duullaankeedii bilowday sannadkii hore.

    Weerrarka ayey sidoo kale suuragal tahay in lagu soo beego 23-ka Febraayo oo ku began maalinta Russia’s Defender of the Fatherland Day, taas oo ay milaterigu xusaan.

    Dhanka kale, saddex qof ayaa lagu dilay weerrar ka dhacay magaalada Kramatorsk.

    Sideed kale ayaa lagu dhaawacay magaaladaas ku taal gobolka Donetsk, kaddib markii gantaal ay soo ganeen ciidammada Ruushku uu ku dhacay dhisme ay dad deggan yihiin, waxaa sidaasi sheegay barasaabka gobolkaasi.

    Tirada ayaa la filayaa inay sare u kici doonto maadaama kooxaha samatabixinta ay dad ka baadigoobayaan burburka hoostiisa.

    “Sida kaliya ee lagu joojin kale argagixinta Ruushka ayaa ah in laga adkaado,” ayuu Mr Zelensky ku sheegay war uu ku qaray baraha ay bulshada kuwada xiriiraan mar uu ka hadlayay weerrarkaasi. “Waxaanan u baahannahay taangiyo, diyaarado dagaal, iyo gantaallada ridada dheer.”

    Ukraine ayaa dhawaan cusboonaysiisay codsigeedii ahaa in la siiyo diyaarado dagaal si ay gacan uga siiyaan inay iska difaacdo weerrarada cirka, arrintaas oo timid kaddib markii Jarmalka, Mareykanka iyo UK ay ogolaadeen inay taangiyo dalkaas u diraan.

    Mr Reznikov ayaa sheegay in Moscow ay macquul tahay in duullaankan ay isugu soo dubaridday illaa 500,000 oo askari.

    Bishii Sipteembar, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay inuu abaabulayo in la qoro 300,000 oo askari, kuwaas oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin in ay ilaaliyaan “madax banaanida dhuleed” ee dalka.

    Hasayeeshee Mr Reznikov ayaa soo jeediyay in tirada rasmiga ah ee la qorayo ee la doonayo in Ukraine loo soo daabulo ay aad tiradaas uga badan tahay.

    “Rasmiyan waxa ay ku dhawaaqeen 300,000 balse markaannu aragnay ciidammada la keenay xadka, sida aan ku qiyaasayno intaas aad bay uga badan yihiin,” ayuu u sheegay shabakadda French BFM. BBCda si madax bannaan tiradaas uma caddayn karto.

    Ruushka ayaa sheegtay in dhawaan uu guulo ka gaaray galbeedka gobolka Donbas halka ciidammadiisa ay u ruqaansadeen magaalada jiidda hore ee dagaalka dhacda ee Bakhmut, kaddib markii dagaalka halkaas ka socda uu qaatay dhowr bilood, sidaasna uu ku sababay in dad badan ay labada dhinac ka dhintaan.

    Bishii la soo dhaafay, calooshood u shaqeystayaasha Ruushka iyo ciidammada rigliga ah ayaa qabsaday magaalo halkaas u dhaw oo lagu magacaabo Soledar halka Arbacadiina sarkaal uu Ruushku soo magacaabay oo la yiraahdo Yan Gagin, uu sheegay in Bakhmut ay “hareeraysan tahay”.

    Mac-hadka saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka ee Study of War (ISW) ayaa dhawaan sheegay in Moscow ay suuragal tahay “inay qaadato go’aan ay tallaabo ku qaadayso” sidoo kalana ay “duullaan wayn” ka bilowdo galbeedka.

    Mr Reznikov ayaa sheegay in taliyayaasha Ukraine ay iskudayi doonaan inay “adkeeyaan jiidda hore ee dagaalka sidoo kalana ay diyaariyaan duullaan rogaalcelis ah” ka hor inta aanan la gaarin weerrarkan la sheegayo in Ruushku uu soo yahay.

    “Waxaan aaminsanahay in sannadkan 2023 uu noqon karo midkii aynu gaari lahayn guusha milateri,” ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray in ciidammada Ukraine “ay markasta maankooda ku hayaan” guulihii ay gaareen bilihii la soo dhaafay.

    Wasiirka gaashaandhigga ayaa hadalkaasi sheegay mar uu ku sugnaa waddanka Ruushka halkaas oo uu heshiis ay ku soo iibsanayaan raadaaro dheeraad oo dhanka difaaca cirka ee nooca MG-200 uu ku galayay, kuwaas oo uu sheeegay inay suuragal tahay in “ay si wayn sare ugu qaadaan awoodda ciidammada cirka ee ah inay haleelaan weerrarada cirka, ee ay ku jiraan kuwa gantaallada ridada dheer iyo noocyada kala gadisan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Hadalka Mr Reznikov ayaa imanaya xilli sirdoonka Ukraine u uku andacooday in madaxweyne Putin uu amray in ciidammadiisa ay gacanta ku dhigaan gobolka Donbas inta uusan dhammaan xilliga gu’ga.

    Hasayeeshee mar uu Isniintii hadlayay, Xoghayaha Guud ee Nato, Jens Stoltenberg, waxa uu ka digay in aanay jirin wax tilmaamaya in Mr Putin uu yoolkiisa milateri ku xaddiday qabsashada gobollada bari ee Ukraine.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMareykanka oo ka carooday go’aan ka soo baxay Hogaanka dowlada Sudan
    Next Article Daawo:- Muqaal”DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorasho muran badan uu hareeyey

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

    February 28, 2023

    Barqanimii maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Magaalada Muqdisho ku dilay wiil…

    Weerar qarax ku billaawday oo ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

    March 19, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.