Warsaxafaadeed ka soo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Sodma ayaa lagu sheegay khasaaraha ka dhashay Roobabii ka da’aday guud ahaan gobollada dalka, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Bayaanka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in Roobabkii ka da’ay guud ahaan dalka, daadadkii ka dhashay ay sababeen dhimashada 29 qof, waxaana ku barkacday 305,000 qof, halka dadka saameynta tooska ah ku yeelatay ay gaarayaan 850,000 qof.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay hay’adda.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Sodma ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalad adah ay ka jirto maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada kala ah Gado, Bakool iyo Baay, iyada oo ay dad badan ku dhinteen Roobabkii ka da’ay.

Dhanka kale hay’adda Sodma ayaa baaq u dirtay shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arimaha bini-aadanimada in ay dar-dar Galiyaan gurmadka  iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay  xiligan wajahayso.

Share.

Leave A Reply