Roobab Xooggan oo saacadihhii lasoo dhaafey ka da’ay degmada Berdaale ee gobolka Baay ee dowlad gobaleedka Koonfgur Galbeed ayaa sababay in Daadad xoog leh ay soo galaan gudaha magaalada.

Daadadka ayaa galay xaafadaha magaalada taas oo keentay inay barakacaaan inta badan dadkii degmadaas daganaa, xaaladda ayaa ka sii daraysa marba marka ka dembaysa.

Waxaa degmada Bardaale ee gobolka Bay ka maqan adeegii bulshada sida korantadii, isku socodkii gadiidka, sidoo kale dhammaan waxaa  daadadku ay xireen Goobihii Ganacsiga ee shacabku adeegsan lahaayeen.

Maamulka Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay biyuhu ka barakiciyeen Guryahoodii, xilli maalinimadii shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku soo rogmadeed daadad keenay in ay kala xirmaan xaafadaha Magaalada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Roobabka ka da’ay guud ahaan dalka ay sabababeen khasaare dhimasho gaareysa 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Share.

Leave A Reply