Robert Lewandowski Oo Ka Fal Celiyay Xiisaha Man United, Go’aana Ka Gaadhay?

128

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kaliya doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay Sport, Robert Lewandowski ayaa doortay Barcelona in ay noqoto kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub xilli uu Bayern u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa si cad u sheegay in uuna sii joogi doonin kooxda Bayern Munich wixii sanadkan ka dambeeya kana codsaday in ay iska fasaxaan.

Man United ayaa saacadihii ugu dambeeyay xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Poland kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegay in uu Robert Lewandowski iska diiday Man United una sheegay in uukaliya doonayo ku biirista kooxda Barcelona.

Dhanka kale Xavi ayaa si dhab ah u doonaya saxiixa xiddiga Robert Lewandowski waxana ay kooxdu haatan isku diyaarinaysaa in ay xiddigo iska iibiso si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Robert Lewandowski.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here