RASMI: Xiddig U Ciyaara Barcelona Oo La Xaqiijiyay In Uu Isaga Tagi Doono Kooxda

112

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Dani Alves ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka bishan haatan lagu jiro.

Dani Alves ayaa qaab xor ah ugu soo laabtay Barcelona suuqii January ee bilowgii sanadkan isaga oo si weyn u caawiyay kooxda.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ayna heshiis cusub ka saxiixan doonin xiddiga khabiirka ah ee reer Brazil.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga u sheegtay in uu raadsado koox kale marka uu dhoco heshiiskiisu maadama ayna heshiis cusub u soo bandhigi doonin.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonayay in uu sii joogo kooxda sida uu sheegay Fabrizio Romano laakiin kooxda ayaa u sheegtay in ayna heshiis cusub u soo bandhigi doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here