RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Uu Marcelo Qaab Xor Ah Uga Tagay.

164

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga Marcelo isaga tagi doono kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Xiddiga Marcelo oo kooxda Real Madrid kula guulaystay 25 koob isla markaas ah xiddiga ugu koobabka badan kooxda ayaa isaga tagi doona kooxda.

Heshiiska Marcelo kula jiro Real Madrid ayaa dhacaya xagaagan waxana uu xiddigu qaab xor ah uga tagayaa kooxda xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in maalinta Bari Isniinta Marcelo loo qaban doono shir uu xiddigaha Real Madrid ku macasalaamayn doono.

Xiddiga reer Brazil ee Marcelo ayaa soo af jari doona 15 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid una soo ciyaaray wax ka badan 386 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here