Xaakimka militariga ee Guantanamo ayaa go’aamiyay in maxkamadeynta Ramzi Bin Al-Sheiba, oo ka mid ah eedaysanayaasha weeraradii September 11 ee lagu qaaday Mareykanka aysan suurtagal ahayn, sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad oo sii xumaaneysa, taasoo ka dhalatay jirdil loo geystay intii uu xirnaa.
Garsoore Matthew McCall, ayaa sheegay in qiraalka lagu helay jirdil aan loo adeegsan karin caddayn ahaan.
Caafimaadka maskaxdiisa oo sii xumaanaysaa Bin Al-Sheiba ayaa ka dhigtay mid aan u qalmin in la maxkamadeeyo, sida uu sheegay xaakim McCall.
Sida laga soo xigtay wargeyska New York Times, Ramzi Bin Al-Sheiba oo 51 jir ah ayaa la filayay in maxkamadda lala soo taago afar eedaysane oo kale, waxaana uu mutaysan doonaa ciqaab dil ah, balse garsoore McCall ayaa sheegay in eedaysanuhu aanu diyaar u ahayn in maxkamad la soo taago. Sababo la xiriira caafimaadkiisa maskaxeed oo xumaaday.
Garsooraha maxkamadda ayaa amray in dhageysiga dacwadda Khalid Shaikh Mohammed, oo lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay qorshahan, iyo saddexda eedaysane oo kale la sii wado maalinta Jimcaha, balse waxa uu hakad giliyay midda Mr. bin al-Shibh.
Qareenka Al-Sheiba, David E. Brock, ayaa ku eedeeyay xaaladda sii xumaanaysa ee macmiilkiisa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka.
Ramzi Bin Al-Sheiba, waxa uu ku dhashay magaalada Xadramout ee dalka Yemen sannadkii 1972-kii, Markii uu dugsiga sare ku dhameystay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen, waxa uu bartay koorsooyin ku saabsan Computer-ka iyo English-ka, kadibna waxa uu u aaday dalka Jarmalka oo uu ka soo bartay cilmiga dhaqaalaha.
Waxaa uu ahaa madaxa Jihaadiyiinta Salafiyiinta, waxaanu xiriir dhow la lahaa shabakadda Al-Qaacida. Waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weeraradii September 2001, oo ay sheegatay Al-Qaacida.
Bin al-Sheiba ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weeraradii September ee lagu dilay 2,976 qof, wuxuuna ahaa taageere dhanka saadka ah ee shabakada al-Qaacida.
Waxaa la sheegay in sanadihii 1999-kii ilaa 2001-dii uu xubin ka ahaa kooxda ka dhisan magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, ururkaas oo loo aas aasay in ay geystaan falal argagixiso oo ka dhan ah dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.
Kooxdan waxaa ka mid ah Maxamed al-Sayid Atta oo u dhashay dalka Masar, kaasoo ahaa hoggaamiyihii kooxdii fulisay weerarradii September 11-keedii.
Marwan al-Shah oo sidoo kale kamid ahaa kooxdan oo u dhashay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa kamid ahaa kooxdii ku qasbay in diyaarada labaad ku burburtay Daarta Koonfureed ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee dalka Mareykanka.
Bin Al-Sheiba ayaa lagu xiray Pakistan sannadkii 2002-dii ka dibna loo gacan geliyay Mareykanka.
Ziad al-Jarrah waxa uu u dhashay dalka Lubnaan waxa uuna aaday dalka Jarmalka sanadkii 1996-kii, waxa uu sidoo kale ka qeyb qaatay qorsheynta weeraradii September 11-keedii, waxa uuna xiligaasi ka baranayay cilmiga farsamada gacanta jaamacada Hamburg. Al-Jarrax waxa uu ka dhashay qoys maalqabeen ah sidoo kalena cilmaani ah.
Marka laga soo tago Ramzi bin Al-Sheiba, Zakaria Al-Sabar iyo Siciid Al-Bahji ayaa iyaguna ka mid ahaa kooxdan.
Intii u dhaxaysay Noofambar iyo Disembar 1999, Atta, al-Shahi, bin al-Sheiba iyo al-Jarrah waxay u safreen Pakistan oo ay tageen xero shabakad al-Qaacida ku taal Afgaanistaan, ka dib markii ay la kulmeen bin Laden, isla markiiba waxay isu diiwaangiliyeen inay qeyb ka noqdaan shabakadda Al-Qaacida.
Kooxdan ayaa dib ugu laabtay dalka Jarmalka kadib markii ay muddo sanad ah ku sugnaayeen Pakistan, waxayna bilaabeen inay isu diyaariyaan weeraradii September 11-keedii.
Ramzi bin Al-Sheiba waxa uu isku dayay in qaato tababaro duuliyenimo, laakiin ma uu helin baasaboor Maraykan ah.
Sannadkii 2002-dii, Maraykanku waxa uu Pakistan ku xiray afar qof oo kale oo ay la kaashadeen dawladda Pakistan.
Bin Al-Sheiba waxa uu wajahayaa xukun dil ah, maxkamadeyntii ugu dambeeysay e dacwadiisa lagu dhageysan lahaa ayaa lagu sheegay in aanu u qalmin in maxkamad la soo taago sababo la xiriira in la xanuunsanayo xanuunka dhimirka oo aad u daran.
Xabsiga Guantanamo Bay
Sanadihii 2002 ilaa 2006, Bin al-Sheiba waxaa lagu hayay xabsi keligiis ah, waxaana loo geystay jirdil siyaabo kala duwan u saameeyay.
Dacwad oogayaasha ayaa ku booriyay garsooraha inuu diido natiijada baaritaan ay 24-kii Agoosto heleen koox ka tirsan dhakhaatiirta dhimirka ee militariga Mareykanka iyo cilmu-nafsiga oo aheyd in Mr. bin al-Shibh uu leeyahay “cudur maskaxeed ” taasoo keeneysa inuusan ” awoodi karin inuu fahmo nooca dacwadda isaga ka dhanka ah.
Qareenkiisa, David Brock, oo ku takhasusay kiisaska ciqaabta dilka ah, ayaa garsooraha u sheegay in ficilada hay’adda sirdoonka ay caafimaadka macmiilkiisa ay si weyn u saamaysay.
BBC SOMALI