Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo waxa ay kawada hadleen xaaladda Dalka sida lagu sheegay qoraalka Xafiiska Wasiirka 1aad ee XFS.
Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaaladda dalka gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ uga sheekeeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Sidoo kale Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi waxa uu Xildhibaan Ilhaan Cumar kala hadlay dhinacyada Dhaqaalaha dalka maadaama Soomaaliya laga sugayo in ay soo buuxiyo shuruudaha deyn cafinta.
Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada ayaa ka mid ahaa qodobada lagu gorfeeyay kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre & Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah Aqalka Wakiillada Mareykanka.