Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in aan la aqbali karin in ciidamo sharci darro a ay weeraraan dad aan waxba galabsan oo ay noloshooda burburiyaan.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku sheegay in dowladdu aysan u dulqaadan doonin weerarada argagixiso ee dhawaanahan ka dhacayay Benishangul-Gumuz iyo Oromia.
Waxa uu sheegay in dib u soo celinta nabadda iyo amniga deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday ay tahay mid weli mudnaanta leh.