Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Xamse Cabdi Barre oo booqasho ugu tegay Guddoomiyayaasha labada Aqalka

157

– Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ku aadan xilka cusub ee loo magacaabay, maadaama laga sugayo dhismaha xukuumad tayo leh, wuxuuna la kulmay guddoonka labada Aqal.

 

 

 

 

Xamza ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sidoo kale kulankaas ku wehlinayey ku xigeenkiisa labaad C/qaadir Abshirow.

 

Labada dhinac ayaa salaan kadib ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga samata-bixin lahaa abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.

 

“Kulanka oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxaana uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe oo lagu faah faahiyey kulankaasi.

 

 

 

 

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, kaas oo ka dhacay hoyga Cabdi Xaashi, kadib salaan uu ugu tegay Xamza.

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ra’iisul wasaaraha cusub u jeediyey dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdi Xaashi.

 

“Guddoomiye Cabdi Xaashi oo boggaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare.

 

 

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here