Yadira Perez ayaa ku qasbanaatay in laga saaro walxo lagu weyneynay bowdyaheeda. Dhaqtar qalliin ayaana afar bilood kahor ka saaray walxahan u eg kubbad midabkooduna jaalle yahay.
‘Banooniyaashan yaryar [ee jirkeeda la galiyay] waa biopolymers,’ ayay tiri haweeneydan 43 jirka ah ahna sawir-qaade u dhalatay dalka Venezuela. Waxay intaa raacisay in jirkeedu la qabsan waayay walxahan.
Qaar ka mid ah banooniyaashan ayaa ku dhegay muruqa bowdyahayga midig wuxuuna sababay xanuun aan loo adkeysan karin. Yadira ayaa lacag ku bixisay in walxahan biopolymers lagu kabo bowdyaheeda iyadoo jirtay 26 sano.
Inkastoo ay isu heysato haweeney qurux badan oo jir soo jiidasho leh, haddana saaxiibkeeda ayaa xilligaas aad u jeclaa bowdyo waaweyn waxayna dooneysay inay isaga ku raalligeliso.
Qalliinka kadib, makrii ugu horreysay ee uu dhiig ku dhacay, bowyaheeda ayaa noqday guduud, oo adkaaday isla markaana kululaaday. Ma aysan fadhiisan karin mana seexan karin. Wixii intaa ka dambeeyay, mar walba oo ay caadadu ku dhacdo, isla calaamadahaas ayay arki jirtay.
Biopolymers waa walxo gacan ku sameys ah oo kordhiya cabbirka faruuryaha, naasaha iyo bowdyaha. Sanadkii 2021, 14 sano kadib markii Yadira ay martay qalliinka, dowladda Venezuela, si la mid ah dalalka kale ee gobolka sida Colombia, Brazil iyo Mexico, mamnuucday isticmaalka waxyaabaha buuxinta ee qalliinka qurxinta.
Sababo la xiriira in in badan oo qalliimadan ka mid ah aysan ahayn kuwo rasmi ah, xog lagama hayo inta bukaanno ee lagu duro walxahan.
BBC Mundo ayaa la xiriirtay bukuyeer ku yaalla magaalada Caracas oo ah halka Yadira loogu geliyay walxaha buuxinta, balse wax jawaab ah ma aysan bixin.
Kaddib 16 sano oo walxahan ay ku jireen bowdyaheeda, Yadira ayaa martay labo qalliin iyo mid looga saarayo.
Qalliinkii ugu dambeeyay, ayay go’aansatay inay warbixin ka sameyso daaweynta iyo soo kabashadeeda iyadoo deyn sooq aadatay si ay isaga bixiso qalliinka oo ay ku gashay magaalada Miami, Florida (USA), halkaasoo ay labo sano ku nooshahay.
Yadira waxay ka mid tahay koox 44 haween ah oo kasoo kala jeeda Cuba, Colombia iyo Venezuela oo ku nool magaalooyin kala duwan oo Mareykanka ah kuwaasoo maraya qalliin looga saarayo walxaha buuxinta.
“Aan kuu sameyno bowdyahaaga”
Sanadkii 2007, qalliimada qurxinta ayaa kusoo badanayay magaalada Caracas.
Xilligaas waxaan la noolaa Henry, aabbaha wiilkeyga Leo. Henry mar walba wuxuu soo iibsna jiray jaraa’idyada iyo wargeysyada ay ku qoran yihiin xayeysiinnada qalliimada is qurxinta.
‘Eag, waxay sameynayaan qalliin bowdyaha ah. Aan sameyno bowdyahaaga.’
Wuxuu maalin igu yiri, ‘Bal malee haddii aad lahaan lahayd bowdyo waaweyn.’
Markii hore waan diiday, balse ugu dambeyn waxaan is iri, ‘waan ku raalligelin doonaa.’
Waxaynu aadnay meel aanan xitaa lahayn xarun caafimaad, balse waxaa ku yaallay qol qalliin halkaasoo lagu sameyn jiray weyneynta naasaha iyo faruuryaha, sida xafiis ku yaalla deegaanka Belo Monte ee Caracas. Halkaas baan aadnay annagoo tixraaceyna xayeysiinta cid kalena aanan talo ka heysan.
Jaraa’idka ayaa sheegay in walxaha buuxinta ay sidoo kale isticmaalaan dhaqaatiirta qalliimada ee Mareykanka iyo Yurub.
Weligey kuma fekerin inaan walxaha buuxinta isticmaalo sababtoo ah jirkeygu wuu qurxoonaa. Bowdyahayga ma weyneyn mana yareyn, way ku dheellitirnaayeen jirkeyga iyo dhererkeyga.
Balse isagu wuxuu aad u jeclaa bowdyaha waaweyn. Markaas unban isku cusbeyn, waxaynu xiriir lahayn ilaa sanad.
Hore ayaanba qalliin buuxin ah u galay. Markaan 21 jir ahaa ayaan naasaha weyneystay sababo caafimaad dartood.

Markii ugu horreysay ee aniga iyo Henry aan aadnay goobtan, waxaa safaf ku jray haween sugayay in walxaha buuxinta loo geliyo.
Dhaqtarka qalliinka igu sameeyay ayaa noo sheegay inuu yahya dhaqtar qalliin. Wuxuu ina tusiyay dhalo u uku jiray dareere uu doonayya inuu igu mudo.
Ma uusan noo sheegin inay yihiin biopolymers, ee wuxuu noo sheegay inay kobcinayaan unugyada ayna xajmi siinayaan.
Dhaqtarka ina baray xaaskiisa, haweeney da’ ah sidiisoo kale. Wuxuu sheegay in walxahan lagu beeray bowdyaheeda 15 sano kahor isla markaana aysan wax dhib ah kala kulmin.
Inkastoo aysan ahayn inaan sidaas sameeyo, haddana waan ogaa in Henry uu ku adkeyn doono ilaa aan maro qalliinkaas, marka waan iska oggolaaday.
Dhaqtarka ayaa meesha nadiifiyay iguna duray kabaabiso mana aanan arki karin wax kale sababtoo ah waan jiifay. Ma aanan arag qalabka iyo waxa uu igu muday intaba.
Markii aan xaafadda tagay ee aan muraayadda isku eegay waan amakaagay.
Henry ayaa ii sheegay inay cajiib tahay. Markii hore waan la dhacsanaa. Kalsooni ayaan dareemay. Balse maalmihii xigay, dareeraha ayaa iga soo daatay dharkeygana qooyay. Dhaqtarka ayaa ku taliyay inaan sharooto saaro.
Yadira wixii intaa ka dambeeyay waxaa u billowday xanuun aan kala joogsi lahayn ilaa markii dambe laga saaro walxahan.
BBC SOMALI