Masjidka Jaamica ee magalaada Delhi ee dalka Hindiya oo haatan noqday astaanta dhaqanka iyo diinta ee gobolka, waxaa la dhisay xilliggii boqortooyadii Shah Jahan intii u dhexeysay sanadihii 1850-1856.

Boqorkan Mughal waxa uu imaamka masjidkan u magacaabay caalimkii Bukhara, Syed Abdul Ghafoor Shah Bukhari.

Imaamka masaajidkan ee hadda jooga ee Sayed Axmed Bukhaari ayaa isna ka soo jeeda qoyskan, dhammaan imaamyada halkan jooga waxa loo magacaabay masaajidka jiil ilaa jiil kale, waxayna kasoo jeedaan qoyskan.

Laakiin markii ugu horreysay, qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa ka hor yimid qoyska imaamyada ka ah masaajidkan, wuxuu arrinta geeyay maxkamad.

 

 

Ninkan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu magacaabaa Sohail Khan, wuxuuna warqad codsi ah u gudbiyay maxkamadda sare ee Delhi, waxaana warqadda ku qoran; “Ma jirto meel imaam-nimada ay noqoto dhaxaltooyo marka la eegayo mabaadii’da qofka u oggolaanayo in qofka uu masaajid ka noqdo”.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Sohail Khan wuxuu yiri, “Imam Sahib wuxuu yiri Shah Jahan wuxuu ugu yeeray aabbayaasheen iyo awoowayaasheen imaamnimada, hadda Shah Jahan boqor ma ahan, magacyadiisii iyo qoyska oo dhan way baxeen, laakiin waxaa la yaab leh Mullah oo uu magacaabay Boqor Shah Jahan ayaa wali ka sii shaqeeya halkaas, waxa uu noqday nin ka weyn Boqor Shah Jahan”.

 

 

Xubin ka tirsan guddigan oo lagu magacaabo Wajia Shafiiq oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay, “Mawqifka guddiga la magacaabay, waa in magacaabista imaamyada aysan noqon kuwo dhaxal ah, balse la eego dhinacyada iyo arrimaha khuseeya Masjidka Jaamica”.

Wajiya Shafiq ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay go’aan kasta ka qaadan doonto arinta, balse waxaa xaqiiqo ah in arrintan ay hadda noqotay dhaqan bulshada dhexdeeda laga aqbalay iyo guud ahaan arrin soo jireen ah.

Arrinta haatan soo ifbaxeysa ayaa inta badan ku saleysan dadka ku dhaqan agagaarka masjid jaamica Delhi ay si isku mid ah u taageersan yihiin qaabka loo dooranayo imaamyada, waxaana sida ay sheegeen qoyska Imaamka waqtigan ee Seyd Axmed Bukhaari ay qarniyo badan ka arriminayeen masjidka.

 

Wajiya Shafiq waxay tiri, “Imaamka haatan joogo ma ahan oo kaliya ah imaam balse waa astaanta dhaqanka, diinta iyo bulshada Delhi qaddiimiga aheyd”.

Masjid Jaamica Delhi, waxa uu door muhiim ah ku lahaa siyaasadda Hindiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, imaamka hadda jira waxa uu kaalin ka qaataa siyaasadda iyo sidoo kale imaamnimada, waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay siyaasadda la xiriirta Muslimiinta Hindiya iyo xisbiyada siyaasadda.

Guddiga loo magacaabay inay kiiskan baaritaan ku sameeyaan oo ku nool magaalada Delhi ayaa baaritaanka u gudbiyay maxkamadda, waxaana dacwadda xigta ee la xiriirta kiiskan la dhageysan doonaa 8-da Febraayo.

Source-Bbc