Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay aysan maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsaneen maamul gobaleed.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, oo todobaadkaan gudihiis wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yaalo dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ugu baaqday Somaliland iyo SCC-khaatuma in aysan galin dagaal, taas badalkeed ay galaan wadahallo dhanka nabadda ah, “Mida labaad ayaa ah in labada dhinac aysan isla galin dagaalo kale, ugu danbeena labada dhinac in ay isla galaan wadahadalo dhanka nabada ah, taas oo soo keeneysa in laga wada hadlo maamulka SSC-khaatumo.”
Sidoo kale Danjire Catriona Laing ayaa ugu baaqday shacabka ku barakacay dagaalka Laascaanood in ay dib u soo laabtaan, iyada oo arintaas ka hadlaysa waxa ay tiri,”waxa ugu muhiimsana waa in shacabka ku nool meshaas ay guryahooda dib ugu noqdaan si ay noloshooda usoo dhisaan.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u aqoonsatay maamulka ku meel gaar ah maamulka SSC-Khaatumo, kaddib markii Magaalada Muqdisho uu soo gaaray hoggaamiyaha maamulkaas Firdhiye.