Isbuucii afaraad waxaa wali raq iyo ruux lagu hayn gaashaanle Shaah-macabe kadib weerarkii ay al Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Cowsweyne.

Ehelada Shaah-macabe ayaa sheegay inay wali baadi goob ugu jiraan inay nolol iyo geeri mid uun ku helaan wiilkooda.

Sidoo kale waxaan wali war laga hayn saraakiil ay al Shabaab ku afduubatay dagaalka.

Waa kuma Shaah-macabe?

Mukhtaar Xasan Tifoow oo ku magac dheer Shaah-macabe, ayaa sida uu horay u sheegay wuxuu ku dhashay deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo waxbarashadiisa dugisga hoose iyo kan dhexe ku qaatay isla deegaankaas.

Shaah-macabe ayaa sidoo kale waxbarashadiisa dusiga sare iyo jaamacadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sanadkii 2021 kii markii ay Muqdisho ka bilowdeen rabshadihii ka dhashay doorashooyinka, ayuu kamid noqday saraakiil hugaamineysay ciidamadii la baxay Badbaado Qaran oo xilligaas oo ka soo horjeeday muddo kordhin ay Golaha Shacabka Soomaaliya sheegeen inay u sameeyeen xukuumaddii markaas jirtay.

Shaah-macabe ayaa kamid ahaa saraakiil ay dadku maqlayeen magacyadooda intii ciidamadu ay ku sugnaayeen gudaha magaalada.

Markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah al Shabaab ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Xassan Sheekh, wuxuu kamid noqday saraakiisha hugaamineysay ciidamada, isaga oo taliye u noqday guutada Cumar Bin Khadaab oo ah guutada 25-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Horay wuxuu u soo noqday Shaah-macabe abaanduulaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga.

Wuxuu ka soo hawlgalay gobolada Soomaaliya, gaar ahaan qaar kamid ah kuwa gobolada dawlad goboleedka Hirshabeele.

Shaah-macabe ayaa la la’ yahay tan iyo dagaalkii Cowsweyne ee bishii August ka dhacay Galmudug, kaas oo ay ku dhinteen tiro kamid ah ciidamada Soomaaliya.

Jawaahir baarqab oo ay qaraabo yihiin ayaa tiri: “wuxuu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah, oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,”.

Sidee ugu baxay magacaan?

Shaah-macabe wuxuu ka sheekeyay qiso ay dadku si yaabo kala duwan uga falceliyeen. Qaar ayaa ku tilmaamey inay malo awaal tahay, halka kuwa kalana ay u arkeen wax lagu qoslo.

Sida uu sheegay, isaga oo barbaar ah ayuu shukaansi la wadaagay gabar gashaanti ah, xilli ay ku sugnaayeen miyiga. Ma uusan qiran inuu jeclaaday gabadha, balse waxay u egtahay inuu aad u caashaqay. “jacaylka hadda la sheegaayo waqtigaas lama aqaanine, shuukaansigaas iyo waxaas ayaa la aqiinay,” ayuu yiri Shaah-macabe.

Waqtigii ay sheeko wadaagga ahaayeen gabadhaas ayuu sheegay in uu gurigooda ugu tagay, lana soo haasaaway. Waqti ay wada qaateeb kadib ayu sheegay inay ku soo noqday hoygooda.

Shaaha-macabe ayaa shaaha ku tilmamaay inuu waagaas ahaa cabitaanka ugu wanaagsan ee ay heli kareen dadka deegaanka uu joogay – dhabtiina wuxuu noqday dhaqan la qabatimay oo ka jiray deegaanka.

Markii uu gurigooda gaarayba, waxaa loo dhiibay koob shaah ah oo qaac ka baxayo. Waxay noqotay markii ay bilaabatay mucjisadii ku reebtay naaneysta uu ku caanbaxay ee Shaah-macabe.

“Koobkii shaaha ahaa ee la soo shubay markaan qaatay ayaan waxaan arkay gabadhii aan ka soo tagay oo dhexdiisa ka muuqata,” ayuu yiri. “Koobkoo kulayl ah oo shaahii uu ku dhex jiro, oo isagii uu qaacaa, ayay dhexdiisa ka muuqataa.”.

Kadib, wuxuu sheegay inuu magaceeda ugu yeeray, balse dadkuu lajoogay ay ku yiraahdeen: “Hebla meeshaan ma joogto”, kadibna qosol ayuu ku dhuftay.

“Shaahii meeshii ayaan uga tagay. Shaah oo dhan maalinkaas ayaa iigu dambeysay,” ayuu yiri Shaah-macabe.

Xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu sheegay inuusan shaah cabin. Waxaana haattan laga jooga waqtigaas 18 sano ah.

Laakiin nasiib darro ama nasiib wanaag miday tahaba, Shaah-macabe calaf uma helin gabadhii uu darteed shaaha uga go’ay.

Baadigoobka Shaah-macabe

Qoyska Gaashaanle Shaah-macabe oo BBC la hadlay Sabtidii la soo dhaafay ayaa codsi iyo farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Dhuusomareeb oo laga hoggaamiyo howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Hooyada dhashay Shaah-macabe iyo sidoo kale xaas iyo caruur uu leeyahay ayaa kamid ah dadka ka walwalsan maqnaashihiisa.

“Hadda calool xumada nahaysay, waa dhintay haddii la dhaho xitaa waan ka samri lahyn,” ayuu BBC u sheegay Cadoow oo ah walaaka Shaah-macabe oo dalbanaya in dawladdu ka caawiso baadigoobka walaalkiis.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu la kulmay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda, ayna u sheegeen inay u tagi doonaan madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb

BBC SOMALI 

Share.

Leave A Reply