Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay kasoo saartay daadadka ka dhashay Roobka Dayrta ee dhowaan curtay ayaa waxa ay ku sheegtay in daadadkaas ay saameyn taban ku reebtay in ka badan 278,000 oo ruux oo haatan u baahan gargaar degdeg ah.

Warbixinta Qaramada Midoobay gaar ahaan OCHA kasoo baxday ayaa lagus heegay in saameyntaan ay dhalatay intii u dhaxeysay 4tii ilaa 25kii Oktoobar 2023 waxaana ay soo jeedisay in laga hortago barakac kale oo ay sameeyaan qoysas horleh.

Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Koofur Galbeed waa meelaha laga soo calaamadeeyay xaaladdaan sida ka muuqata warbixinta Qaramada Midoobay ay kasoo gudbisay xog-uruurinta ay ku sameysay arrintaan.

Hay’adaha Maxaliga ah ee madaxa bannaan iyo kuwa hoostaga Qaramada Midoobay ayaa dabagal ku sameeyay digniintii Dadka loo diray & natiijada meelaha qaar laga soo diiwaangeliyay degmooyinka daadadku ku fataheen.

Qaramada Midoobay ayaa dadkaas u dalabtay Cunno iyo Biyo nadiif ah oo caafimaad ahaan wanaagsan si ay u cabbaan una cunaan qoysaskaas barakacay oo ka dhex baxay guryahooda, beerahooda iyo xoolihii ay dhaqanayeen.

Roobka Dayrta oo billow ah ayaa laga sii digayaa in saameyn kale ay ku reebi karto qoysas haatan ka badbaaday maalmihii lasoo dhaafay daadadka Roobka Dayrta, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa dadka uga digtay goobaha halista badan.

Meelaha inta badan Dadka looga digay waa hareeraha Webiyada Dalka Mara, goobaha ay ku hooraan xareedda Roobka iyo biyo degeennada loo diyaariyay in ay isugu tagaan biyaha sida lagu yiri digniinta kasoo baxday Hay’adda SODMA.

Share.

Leave A Reply