Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa xalay booqday dadkii kusoo dhaawacmay weeraradii Al-shabaab ka gaysatey degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada laga keeney dhawaan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid, isagoona xog wareysanayey dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen daryeel Caafimaad oo ku filan.

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada, dhanka kale qaar kamida  bukaanada ayaa ka madceliyay baxnaanada fiican iyo adeegga Caafimaad ee loo fidiyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaraddu ay u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada Muwaadiniinya Soomaaliyeed.