Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo

135

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid rag lagu helay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab’ kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Afarta ragga ee Maanta Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Jaamac Aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo Ciidamada Puntland ay howlgallo kusoo qabteen.

Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada Ciidamada xarunteeda Boosaaso ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay ay ku cadaatay dambiyada loo heysto, isla markaana ay dil toogasho ku xukumeen.

Puntland ayaa horay waxaa ay xukuno dil ah ugu fulisay rag lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here