Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Puntland oo cambaareysay dagaalka ka socda Laas-Caanood iskana fogeysay ku lug lahaanshaha
    Gudaha

    Puntland oo cambaareysay dagaalka ka socda Laas-Caanood iskana fogeysay ku lug lahaanshaha

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 7, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in,  iyada oo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

    1.Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.

    2. Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

    3.Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.

    4. Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.

    5. Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXildhibaano War kasoo saaray dagaalka Magaalada Laas-Caanood
    Next Article Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saartay dakhliga soo gala Al-Shabaab

    February 16, 2023

    Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay kordhiyeen xarumihii ay dakhligooda ka heli…

    Maxay dadka qaar mar walba uga daahaan hawlahooda?

    January 21, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.