Pogba, Mbappe, Jorginho, Depay, Dybala, Dest & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

30

Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man City laakiin ugu dambayn iska diiday u dhaqaaqista City sabab la xidhiidha Man United (Times).

Pogba ayaa haatan qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Juventus kuwaas oo sidoo kale doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Chelsea ee Jorginho (Gazzetta dello Sport).

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa Axada ku dhawaaqi doona go’aanka uu ka gaadhay mustaqbalkiisa xilli xiddiga si weyn loola xidhiidhinayo Real Madrid (L’Equipe).

Kooxda Arsenal ayaa loo soo bandhiga saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti (Sport).

Kooxaha Arsenal, Newcastle United iyo Everton ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga Barcelona ee Memphis Depay (Sport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Juventus ee Paulo Dybala ayaa iska diiday ku biirista Kooxda Tottenham xilli xiddiga 28 jirka ah lala xidhiidhinayo kooxo badan (AS).

Kooxda Barcelona ayaa muhiimada 1-aad ee suuqa xagaaga ka dhigatay saxiixa weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski  (Fabrizio Romano).

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo diyaar u ah in uu ku biiro kooxda (Fichajes).

Kooxda Man United ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga daafaca ka ciyaara ee Sergino Dest (90 Min).

Man United ayaa Dest u doonaysa badalka xiddiga Aaron Wan-Bissaka kaas oo loo ogolaan doono in uu isaga tago kooxda (Sky Sport).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw daafaca kooxda Ajax ee Jurrien Timber kaas oo doonaya in uu Ten Hag kula biiro United (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Nicolas Pepe iyaga oo diyaar u ah in ay ku iibiyaan lacag aad u yar (Football Insider).

Xiddiga kooxda Brighton ee Yves Bissouma ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda waxana uu xiiso ka helayaa kooxda Man City (Telegraph).

Tababare Erik Ten Hag ayaa fursad siin doona xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ee Marcus Rashford (Telegraph).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here