Halyeyga Arsenal Paul Merson ayaa ka hadlay isbarbardhigga u dhexeeya xiddiga cusub ee kooxda, Declan Rice, iyo xiddiga kooxda chelsea ee Moises Caicedo.

Kooxaha chelsea iyo Arsenal ayaa sameeyay saxiixyo cusub suuqii xagaaga ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Rice ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Arsenal kualnkii ay Gunners kaga badisay kooxda Man United.

Dhinca kale Caicedo oo lacag waali ah ugu biiray chelsea ayaa la kulmay dhalceeayn xoogan kadib markii uu sabab u ahaa guuldarooyinka kooxduusa.

Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka aad is bar-bar dhigto Rice iyo Ciacedo, Rice waxa uu ku siinayaa wax ka duwan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Natiijadu waxa ay ku dhamaatay 1-1, Arsenal runtii waxa ay u baahneyd in ay guul gaarto hadii ay doonayaan in ay cadaadiska sii saaraan Man City Rice ayaana soo baxay oo dhaliyay gool”.

“Sabtidii, chelsea ayaa gool lagu lahaa, Pochettino ayaana badalay Caicedo sababta oo ah Ciacedo goolal kuuma dhalinayo”.

Share.

Leave A Reply