Maanta oo kale, 17 January 1961 ayay ahayd markii hab-toogasho ah ay halyeygii gobonnimo-u-dirirka Congo ee Patrice Lumumba ku dileen koox dabley ah oo taageero ka helayay gumeystihii hore ee Belgium, waxaana meydkiisa la helay, iyadoo la isticmaalayo curiyeyaal kala duwan oo la sii farsameeyay lagu baabi’iyay aashito.

Ilig dahab ah oo sharraxan ayaa ah waxa ka hadhay Lumumba.

Taliyihii booliiska Belgian, Gerard Soete, oo kormeerayay kana qaybqaatay baabi’inta hadhaagii maydkiisa ayaa iliggaas qaatay, mar dambe ayuuse qirtay.

Waxa kale oo uu xusay inay jiraan ilig labaad iyo labo ka tirsan farihii maydka, laakiin kuwaas lama helin.

Iliggii waagaas ayaa sanadkii hore dib loogu celiyay qoyskii uu ka soo jeeday halyeyga, iyadoo lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday Brussels, caasimadda Belgium.

Dareenka Soete ee ahaa inuu jeebka ku sii qaato qayb jidhkii Lumumba ah ayaa loo arkayay tilmaanta falalkii arxandarrada ahaa ee gumaystaha.

Waxay dhanka kale muujinaysay hab-dhaqanka nin Belgium ah uu u geysan karo qof uu arkayay cadow.

Soete, oo ka soo muuqday filim dukumeentari ah 1999-kii, ayaa ku tilmaamay iligga iyo faraha uu qaatay inay yihiin “nooc ka mid ah halgankiisii ugaadhsiga”. Weedhahan oo tilmaamaya sida uu gumaystihii u arkayay Lumumba – oo qaaradda oo dhan looga qaddariyo inuu yahay cod horseed u ah xorriyadda Afrika.

Inanta uu dhalay Lumumba, Juliana, ayaa hadalkaas falcelintiisa ku tilmaantay “In ay su’aali ka taagan tahay in dambiileyaashu ay dhab ahaantii ahaaayeen bani’aadam”.

“Nacayb intee la eg ayaa kugu kallifi kara in aad sidaas samayso?” ayay isweydiisay Juliana.

“Tani waxay xasuusin u tahay wixii ka dhacay Nazis-ka [Jarmalka], qaadashada qaybo ka mid ah jidhka dadka – taasina waa dambi ka dhan ah bini’aadaninimada,” ayay u sheegtay BBC-da.

Lumumba waxa uu noqday raysul wasaare isagoo 34 jir ah. Waxaa la doortay maalmihii ugu dambeeyay ee gumeysiga. Wuxuu madax ka ahaa golihii wasiirrada ee qarankii cusbaa ee xornimada qaatay.

Bishii Juun 1960-kii, markii xukunka lagu wareejiyay, Boqorka Belgian, Baudouin wuxuu ammaanay maamulka gumeysiga, wuxuuna ka hadlay awoowihiis, Léopold II, inuu ahaa “ilbixiyihii” dalka.

Lama soo hadal-qaadin tan iyo waagaas malaayiintii ku dhimatay ama loo gumaaday xukunkiisa oo markaas loo yaqaanay Congo Free State oo ka mid ahayd hantidiisa gaarka ah.

Fashilka ah in la qirto wixii dhacay waayadii hore ayaa sanado badan lagaga hortagayay hab-diidmo ah, taasoo hadda la billaabay wax u dhow in la qirto.

Lumumba waxyaabaha lagu xusuusto waayahaas waxaa ka mid ah inuu ahaa nin aan gabban.

Khudbad aan la qorsheyn oo uu mar jeediyay raysul wasaare Lumumba ayuu uga hadlay dhibaatada iyo dabargoyntii lagu hayay dadka Congo.

Hal-ku-dhegyo xun xun iyo tilmaamo argagax leh ayuu maalintaas ka sheekeeyay, isagoo hadalkiisa ku soo gunaanaday, waxa uu ku tilmaamay “Addoonsiga bah-dilaadda ah ee na lagu soo rogay”.Dadkii Belgian-ka ahaa ayaa la yaabay, sida uu sheegay aqoonyahan Ludo De Witte, kaas oo qoray warbixin taariikhi ah oo ku saabsan dilkiisii iyo taariikhdiisiiWaligeed ma dhicin in Afrikaan madow uu sidaan oo kale ula hadlo dadka Yurub. Raysul wasaaraha, oo De Witte uu sheegay in saxaafadda Belgium ay ku tilmaameen tuug aan waxna qorin waxna akhrin, waxaa loo arkayay inuu bah-dilay boqorka iyo madaxda kale ee Belgium, markii uu khudbaddaas ka hor jeedinayay.

 

Qaar ayaa sheegay in khudbaddiisaas ay ka dhignayd sidii in uu saxiixay amar dil ah in lagu fulin doono, laakiin dilkiisa ayaa ahaa sanadkii ku xigay waqtigii khudbaddaas, iyadoo lagu dilay dagaal-qabow oo qorshihiisu uu ahaa in xukunka lagu ilaaliyo Biljamka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqatay in ay jirtay doonis shakhsi ah sida Lumumba loo dilay.

Baabi’intii lagu sameeyay jidhkiisa iyo sidoo kale habka looga takhalusay in laga tago wax caddayn ah, taas oo u ekeyd dedaal abaabulnaa oo lagu tirtirayay in wax xusuus ah ay ka hadho Lumumba. Taas oo ka dhigan in xataa shaki la gelin karo in uu jiray iyo in kale.

Laakiin, taasi ma aysan hor istaagin in la xusuusto, waayo weli si weyn ayaa loo xusaa.

Keliya cidda xustaa ma aha inantiisa, ee waxaaba caddayn ah wafdigii ballaarnaa ee guryo-keenidda iliggiisa u aaday Belgium.

1px transparent line

‘Wax ka ogaanshaha tagtadoodii’

Wasiirkii arrimaha dibadda Belgian ee xilligaas, Louis Michel, ayaa xilligaas kaddib muujiyay “raaligelin” iyo sida uu uga xun yahay wixii ku dhacay qoyska Lumumba iyo dadka Kongo.

Prof Nzongola-Ntalaja, oo si shakhsi ah ula hadlay BBC, ma rumaysna in Belgium ay si buuxda u aqbashay doorkeedii dilkaas. “Belgium waxay diidday in ay qaadato mas’uuliyadda dilkaas, way og yihiin in ay sameeyeen – laakiin gabi ahaanba ma ahan mid lagu qanco sida ay u maareeyeen” ayuu yiri.

Dacwad-oogayaasha Belgian ayaa dilkan ula dhaqmaya mid dambi dagaal ah, balse 10 ka tirsan 12-ka tuhmane ee la aqoonsaday in ay ka dambeeyeen ayaa dhintay, toban sano kaddib, baaritaankuna waxa uu ahaa mid si tartiib tartiib ah isaga socday.

Gacan-gelinta iligga waxay noqon doontaa qayb kale oo ka mid ah geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Belgium iyo Congo ee ku saabsan xilligii gumeysiga iyo dhimashadii Lumumba.

“Waa tallaabo la qaaday – waxaanan u baahannahay inaan sii wadno,” gabadhiisa ayaa tiri.

Laakiin, waxay sidoo kale ku doodeysaa in loo baahan yahay in sidaas oo kale laga wada xisaabtamo dhanka Koongo, maaddaama qaar ka tirsan dadka ay isku dhalashada ahaayeen ay sidoo kale ku lug lahaayeen dilkii aabbaheed.

“Waa inaan aqbalnaa taariikhdeenna – wanaag iyo xumaanba.”

Aaska iligga – oo la qorsheeyay in lagu beego sanad-guuradii 61-aad ee khudbaddii caanka ahayd ee Lumumba ee maalinta xorriyadda – waxay siin doontaa guud ahaan dadka Congo fursad dib loogu eego wixii horay u dhacay.

 

BBC-da Somali