Filimkii ugu dambeeyay ee xiddiga Bollywood-ka  Shah Rukh Khan ee Pathaan, kaas todobaadka soo socda la sii deyn doono ayaa bogagga hore ee warbaahinta Hindiya haystay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Xiisaynta filinkan ayaan ahayn filan waa, waayo Khan waa mid ka mid ah Atooreyaasha ugu waaweyn looguna jecelyahay. Waa jilaa soo jiidasho leh, maad badan caalamkana ku leh malaayiniin taageerayaal ah, jilaagan waxaa badanaa lagu tilmaamaa “dhaqan dhoofiyaha ugu muhiimsan Bollywood”, kaas oo leh caannimo ka qoto dheer filimadiisa. Taageerayaashiisu waxay si aad ah ugu yaqaanaan Boqor Khan ama Boqorka Bollywoodka.

Pathanna waa filimkiisii ugu horeeyay ka dib afar sano oo uu hakad kaga jiray filimada.

57-sano jirkaan ayaa dib ugu soo laabanaya shaashadaha waa weyn ka dib xoogaa dib u dhacyo isdaba joog ah oo ku yimid noloshiisa gaarka ah iyo xirfadiisa shaqaba, oo ay ka mid tahay in wiilkiisa Aryan Khan la xiray sanadkii hore oo lagu soo eedeeyay in laga helay daroogo, eedeymahaas oo been abuur noqday markii dambe- ugu dambeyntiina waa la laalay eedeymahaas-  iyo tiro filimaan ah oo aan si fiican u shaac bixin oo uu dhigay atooruhu.

Muddadan hakad uu ku jiray awgeed ayaa keentay soo jiidasho iyo xiisaha cusub oo loo qabo Khan sidoo kale waxay sababtay in si weyn loo baadho filimkan loona falanqeeyo, waxaana la jilaya atariishada caanka ah ee Deepika Padukone oo ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn Hibdiya dhanka dumarka iyo sidoo kale John Abraham.

Laga soo bilaabo bishii December markaasoo ay filim sameeyayaashu ay bilaabeen inay soo daayaan muuqaalada xayaysiinta iyo heesaha Pathan, filimkan ayaa noqday mid si aan kala joogsi lahayn loogu hadal hayo baraha bulshada.

Iyo tan iyo markii hordhaciisa lasoo daayey usbuucii hore, dareenka taageerayaasha ayaa kor u kacay.

In ka badan 49 milyan oo jeer ayaa laga daawaday YouTube-ka. Khan oo bartiisa twitter-ka ku soo bandhigay goos gooska filimka oo af hindi ah ayaa helay  3.9 milyan oo daawasho ah iyo hal milyan oo daawasho ah oo ka timid qaybtiisa afafka Telugu iyo Tamil.

Wararka ayaa sheegaya in “jawaab aan caadi ahayn” laga bixiyay iibinta tigidhada sare ee Mareykanka, Imaaraadka, Jarmalka iyo Australia.

Sheekada filinka, oo ay taageerayaashu ku tilmaameen wax u eg filimaantii James Bond iyo Mission Impossible, ayaa ah mid la saadaalin karo.

Sida sheekadu tahay koox argagixiso ah ayaa doonaysa in ay Hindiya ku burburiso “weerar aysan malayn karin”. Masuulitiinta dawladda ayaa ku dadaalaya sidii ay ula dagaalami lahaayeen, laakiin waqtigu waa gabaabsi. Waxaa la isku hayaana waa mustaqbalka dalka. Markaa, ninkoodii ugu wacnaa ayay shaqada galiyeen.

“Haddii aad ku dhiirato inaad ku caweyso guriga Pathan, markaas waa inaan kugu salaamo baaruud,” ayaa la maqlayaa oo ah codka Khan oo  aan cidna lagu qaldi karin, kadibna shaashadda ayuu kasoo muuqanayaa.

Sirdoon qurux badan oo leh timo kala rogan iyo calool murqo ay ku xardhanyihiin, waa Khan’e ayaa si dhib la’aan ah u daadinaya cadawga, ku boodaya baabuur xawli ku socota, kasoo siibanaya dusha sare ee dhismayaasha dhaadheer dumarkana shukaansanaya isagoo isku dayaya in uu qarankiisa ka badbaadiyo xoogag shar wadayaal ah, oo uu hogaaminayo Ibraahim. Muusik xamaasad leh ayaa sidoo kale la socda muuqaalka.

Xayeysiiskan oo soconaya labo daqiiqo iyo bar ayaa soo jiitay taagerayaasha aadna u qiiro galiyay iyadoo kuwa kalena dhaleeceynayaan, kuwaasi oo si weyn u hadal haya baaxadda mashruucan. Taageere ayaa ugu yeeray “paisa vasool [wax u qalma lacagata] “, isagoo raaciyay inuu isku dayi doono inuu daawado filimka marka saas loosii daayo.

Laakin bilowgiiba, Pathan waxa uu dhexda u galay muran.

Khan ayey in ku filan ka soo gaadhay dhibaatooyinkii saxafada iyo dhaleeceyntii hore. Laakiin tan iyo markii uu bixiyey faallooyinka ku saabsan dulqaad la’aanta diineed ee sii kordhaysa ee Hindiya dhowr sano ka dib, weerarrada ka imanaya kooxaha garabka midig ee Hindu-ga waxay noqdeen kuwo si shakhsi ah loogu bar tilmaadmeed sanayo isaga.

Wixii ka horeeyay dhowr sano , ayuu yiri Khan, Bollywoodka waxaa loo arkayay meel ka baxsan diinta iyo siyaasadda “madadaalada ayaa ahayd waxa kaliya ee muhiimka ah”. Laakiin, wuxuu ku daray, Shirkaduhu hadda waxay noqdeen kuwo aad uga fog taas.

“Khan waa mid ka mid ah jilayaasha yar ee soo haray kuwaas oo matalaya wixii hore oo qaybo ka mid ah ay rabaan in gabi ahaanba la tirtiro. Taasi waa sababta aysan ugu dulqaadan karin isaga.” Ayuu yiri qoraa Saibal Chatterjee oo sidoo kale falanqeeya filimada.

Durba magaca filimkan Pathan – oo ah magac Muslim – ayey kooxaha Hinduuga mayalka adag muran ka dhex abuureen mid ka mid ah heesihiisa kadib markii Deepika lagu arkay nigis midabka sacfaraanka ah ay xidhantahay heesta Besharam Rang – taas oo afka Hindiga ka dhigan midab aan xishood lahayn.

Waxay Khan ku eedeeyeen inuu aflagaadeeyay dadka Hinduuska ah maadaama sacfaraanka uu yahay midab diintooda la xiriira, inkastoo Deepika ay dhowr jeer dharka bedalaneyso inta ay heestu socoto.

Waxaa soo baxay baaqyo lagu dalbanayo in filimkan la mamnuuco haddii aan heesta meesha laga saarin, dibad-baxayaashuna waxay jeex-jeexeen boodhadhka, waxayna gubeen sawirka Khan, dacwad ayaa laga geeyay maxkamadda oo lagu eedeeyay jilaayaasha inay wax u dhimayaan shucuurta bulshada Hinduuska ah, waxaana filimkan lagu eedeeyay inuu yahay mid kor u qaadaya qaawanaanta iyo fisqiga.

Waxaa jiray baaqyo isdaba joog ah oo lagu qaadacay Pathan iyo hashtagyada aflagaadada ah oo ku batay baraha bulshada.

Laakiin markii ay bilaabatay tirinta waqtiga ee marka Pathan lasii daynayo, ayey Khan iyo filim sameeyayaasha waxay ka gudbeen muranka, taa beddelkeedana waxay xoogga saareen xayeysiinta filimka.

Intii lagu jiray Koobkii Adduunka ee Fifa, kubbada cagta Wayne Rooney ayaa ka soo muuqday muuqaal gaaban oo xayaysiis ah oo jilaagu ku jiro, isaga oo Khan ka daba dhahaya erayadan Hindiga ah – “Apni kursi ki peti bandh lo, Mausam bigadne wala hai ]”.

Horaantii todobaadkan, Khan waxa uu booqday Dubai halkaas oo ay dad badan oo farxadi ku dheehantahay u daawadeen xayeysiiska filinka Pathan, oo lagu soo bandhiga wejiga hore ee dhismaha aduunka ugu dheer Burj Khalifa.

Laga soo bilaabo sumcadda jilaaga ilaa miisaaniyadiisa filimka ee 2.5bn rubbi ah  , wax badan ayaa halis ku jira oo dadka qaar ay is weydiinayaan in sumcad dilkan uu saameyn ku yeelan karo guusha filimka.

Waa qiimayn Chatterjee uusan aamin sanayn.

“Khan kaliya ma ahan jilaa, waa astaan, waliba waa kii ugu weynaa ee aan ku yeelanay dalka, iyo xaqiiqatan Bollywood-ka,” ayuu yiri.

Shrayana Bhattacharya, oo ah qoraaga buug lagu magacaabo ‘Desperately Seeking Shah Rukh Khan’, ayaa sheegtay in taageereyaasha xiddiggu “aysan waligood isu dhimi doonin diin ama xisaabin siyaasadeed”. “Waxay daawan doonaan Pathan bandhiga maalinta kowaad sababtoo ah waxay u xiiseen kasoo muuqashadiisay shaashada,” ayay raacisay.

Balse dadka qaar ayaa is weydiinaya in noocan basaasnimad ah ee filinkan uu yahay kii  saxda ahaa ee Khan kusoo celin lahaa shaashadaha waaweyn ka dib hakad afar sano ah oo uu galay jilaagu?

Khan waxa uu magaciisa in badan ku jilay geesi jacayl, waa jilaa qeexay jacaylka iyo luqadiisa, qallafsanaanta iyo kurbada isla socda . Dumarka, kuwaas oo laf dhabar u ah taageerayaashiisa, ayaa laga yaabaa inaysan xiiseyneynin inay u arkaan inuu yahay geesi karti badan.

Maalmo ka hor ayuu jilaagan sheegay in uu mar walba doonayo in uu filiman ku jilo halyeynimo waana sababta Pathaan keentay “waa riyo ii rumowday”.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu tilmaamay in jilaagan uu dhigay wacdaro, isagoo jilay doorar kala duwan, sida kuwa ay ka mid yihiin My Name Is Khan, Chak de India iyo Love You Zindagi.

“Laakiin xiligaan xirfadiisa jilaanimo, wuu awoodaa inuu taas sameeyo, waa cabsi la’aan, wuxuuna sameynayaa tijaabo, ma jirto wax ka lumaya”.

Waxaase haddii khamaarka uu faa’iido leeyahay iyo hadii kaleba, hal shay ayaa la hubaa: “Kama maqnaan kartid filinka Shah Rukh Khan,” ayuu yidhi.

BBC SOMALI