Olena Zelenska: Xaaska madaxweynaha Ukraine oo shaacisay wixii ninkeeda kala qabsaday subixii dagaalka

24

Marwada koowaad ee dalka Ukraine, Olena Zelenska, ayaa bixisay waraysi aan looga baranin oo ay warbaahinta dalkeeda kula hadashay xilli uu garabkeeda ka muuqday seygeeda, Madaxweybe Volodymyr Zelensky, oo agtiisa lagu arkay markii labaad tan iyo bishii February, xilligii uu dagaalka bilowday.

Zelenska waxaa lagu qarinayay meelo sir ah si amaankeeda loo sugo.

“Qoyskeennu waxa uu noqday mid kala dhantaalmay, si la mid ah qoysaska kale ee reer Ukraine,” ayay ku tiri wareysiga.

Wariyaha ayaa waydiiyay su’aal ahayd: “Dagaalka miyaa kaa kaxaystay ninkaaga?.”

Maya, ma jirto cid iga kaxaysa ninkeyga, dagaalka xitaa taas ma samayn karo,” ayay ku jawaabtay Zelenska.

“Laakiin haa, noloshiisa waxaa la wareegtay shaqadiisa, annaga oo qoyskiisa ahna in badan ma aragno. Isma aannaan arkin muddo labo bilood iyo bar ah. Telefoonka unbaan ku wada hadlaynay. Hadda fursad ayaan isu helnay. Waan ku faraxsanahay fursaddan waraysiga ah, oo noo sahashay inaan wadajir noqonno.”

Isu imaatin jacayl ku salaysan ayaad heshee miyaa?,” ayuu yiri wariyaha waraysiga ka qaadayay.

“Haa, kulan telefishin ah. Waan ka mahad naqayaa,” ayay ku jawaabtay marwada koowaad, oo labo carruur ah u dhashay Zelensky: kuwaasoo kala ah gabar lagu magacaabo Oleksandra iyo wiil la yiraahdo Kyrylo.

‘Hurdada ayaan qaylo uga soo toosay’

Maalintii ugu horraysay ee uu bilowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, oo ku beegnayd 24-kii bishii February, Zelenska waxay kusoo kacday dhawaaq aysan u baranin oo ka imaanayay bannaanka, si la mid ah dadka kale ee ku nool dalkeeda.

“Mar qura ayaan hurdada uga soo booday sawaxan iyo qaylo,” ayay tiri.

“Xoogaa mugdi ayay ahayd. Waxaan arkay in Volodymyr uusan sariirta ila jiifin dhinacayga. Markaas isagu horay ayuuba u labistay, garabaatina ma uusan xiranin. Waxaan waydiiyay waxa dhacayay, wuxuuna igu yiri: ‘wuu bilowday’.

“Ma qiyaasi karo dareenkeyga… naxdinta iyo argagaxa igu dhacay. Intaas ayuu igu yiri wuuna baxay, kaddibna muddo dheer isma aannaan arkin.

Madaxweynaha Ukraine oo marka uu wareysigu dhacayay garab fadhiyay xaaskiisa ayaa sheegay in dagaalka Ukraine lagu soo afjari karo hab diblomaasiyadeed oo keliya.

“Aad baan ula dhacsanahay arrintan. Waxaa jira waxyaabo aannaan soo afjari karin ilaa aan miiska wada hadalka fariisanno, sababtoo ah waxaan rabnaa in wax walna dib naloogu soo celiyo, Ruushkuna ma doonayo inuu wax soo celiyo,” ayuu yiri Zelensky.

Maddada uu socdo dagaalka Ukraine ayaa hadda ku dhow saddex bilood, mana cadda sida uu ku dhammaan karo.

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada dagaalkooda ku wajahan gobolka Donbas ee bariga dalka Ukraine, xilli ay isku dayayaan inay gaaraan xuduudaha gobollada Donetsk iyo Luhansk.

Militeriga Ukraine ayaa sheegay in madaafiicda Rushka maalintii Axadda oo keliya lagu garaacay ilaa 45 dhisme.

Dabayaaqadii isbuuca, dhexdhexaadiyaha ugu muhiimsan ee wadaxaajoodka Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in heshiis xabad joojin ah la galo.

Podolyak ayaa militeriga Ruushka ku eedeeyay in ay samayn doonaan weerarro kale oo ka dhan ah goobaha ay ciidankooda ku dhow yihiin.

Kaddib markii ay la wareegeen magaalo xeebeedka Mariupol, xoogagga Ruushku waxay sii wadeen weerarka ka dhanka ah gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Waxaa la aaminsan yahay inay hadda isku diyaarinayaan sidii ay u qabsan lahaayeen magaalooyinka Slovyansk iyo Severodonetsk.

Maalintii Axadda, Zelensky ayaa waqtiga u kordhiyay amarka degdegga ah ee uu kusoo rogay Ukraine, oo sii socon doona saddex bilood oo kale, ilaa laga gaaro 23-ka bisha August.

Sharciga lagu soo rogay dalka waxyaabaha uu dhigayo waxaa ka mid ah in ragga ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 60 sano ay joogaan gudaha waddanka si ay dagaalka uga qayb qaataan.

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here