Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qaddiyada Falasteen, gaar ahaan xasuuqa ay haatan ciidanka Israel ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaza.
Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay taababeyso arrinta Falastiin, isla-markaana ay la xanuunsanayaan walaalahooda.
‘‘Waa mas’uuliyad daro iyo akhlaaq xumo in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay Falastiin, wax badan baa naga galay, walaalo ayaan nahay, markay xanuunsadaan waa inaan xanuunsannaa, markay farxaana waa inaa faraxnaa“ ayuu si caro leh u yiri Odowaa.
Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay gumaadka ay Israel ku heyso Gaza, oo uu tilmaamay in reer Falasteen aysan haysan meel ay uga baxaan magaaladooda.
“Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyiomeel ay u furan. Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu sii raaciyey.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay qaataan kaalinta kaga aadan arrinta Falastiin, isla-markaana ay saameeyaan gurmad uruurin, si loogu caawiyo walaalahooda Muslimiinta ee haatan wajahaya dhibaatada adag.
“Haddaan dowlad nahay iyo hadan ganacsato nahay iyo haddaan shacab nahayba aan wax isugu darno dadkaa wixii lagu caawin karo waa inaan ku caawinaa ha loo geeyo“ ayuu yiri
Waxaa kale oo uu kusii daray ‘‘Sodon sano ka badan oo an dhib ku jiray waxaa imaanayey gargaar ka imaanayey Kuweeyt,Ciraaq,Sacuudiga raashin keeneyey xiligii caga bararku ka dhacay Soomaaliya ma waxay dhaheen maxaa naga galay miyey na dhaheen“.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa u caddeysay mowqifkeeda ku aadan arrinta Falasteen, ayada oo cambaareysay duqeymaha aan kala sooca laheyd ee ay Israel ku heyso Gaza.