Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsanaa Al-Shabab, ka dib markii ay hawgal ay sameeyeen Magaalada Muqdisho.

War goordhaweed lagu daabacay wakaaladda wararka SONNA ayaa lagu sheegay in Ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo la sheegay in uu ku hawlanaa wax yeeleenta Shacabka ku nool Caasimadda. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay wakaaladda.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaana shaacin magaca xubinta ay sheegtay in ay soo qabatay, sawirkiisa, xilliga la qabtay iyo goobta sida gaarka ah hawgalkaas ugu dhacay.

Qabashada xubintaan ka tirsan Al-Shabaab, ayaa ku soo aadeysa xilli Ciidamada dowladda ay muddooyinkii u dambeeyey Magaalada Muqdisho ka wadeen hawgallo lagu sugayo amniga Caasimadda.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay mas’uuliyadda weeraro qorsheesan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyada oo bilihii la soo dhaafay Amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid soo hagagaayey marka loo barbardhigo sannad ka hor sida uu ahaa.

Share.

Leave A Reply