Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Nin geeri lagu tiriyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo hadda boqol jirsaday
    Dibadda

    Nin geeri lagu tiriyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo hadda boqol jirsaday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 8, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Nin badmaax ahaa oo ka tirsanaa ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska oo la soo tebiyay inuu dhintay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa u dabaaldegay sanad-guurada dhalashadiisa ee 100aad.

    Morrell Murphy oo kaso jeeda deegaanka Lisburn ayaa saarnaa markabka HMS Capel markii uu soo weerarayay markab uu lahaa Jarmalka sanadkii 1944-kii.

    Afar maalmood ka dib weerarka, qoyskiisa ayaa lagu wargeliyay in Mr Morrell Murphy uu ku dhintay halkaas.

    Qoyska xitaa waxay heleen warqad tacsi ah oo ka timid boqor George VI laakiin wax yar ka dib waxaa la helay Morrel oo badqaba.

    Hadda waxa uu ku nool yahay deegaanka County Down. Gabadhiisa oo lagu magacaabo Jennifer ayaa soo abaabushay xaflad ay ku xusayso sanad-guurada dhalashadiisa ee 100-aad.

    “Way adag tahay in la rumaysto inaan hadda 100 jir ahay,” ayuu u sheegay BBC News NI.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay “in ay lama filaan ahayd inuu noolaa sannadahan oo dhan laakiin weli uu ku raaxaysanayo nolosha.”

    Morrell wuxuu ku biiray ciidanka badda ee Boqortooyada Ingiriiska maalintii la xusayay St Patrick’s Day ee sanadkii 1942, isagoo markaas ahaa19 jir, xilli uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Bishii Disembar ee sanadkii 1944 ayuu ka badbaaday weerar ay soo qaadeen ciidamadii Jarmalka kaasoo ka dhacay kanaalka Ingiriiska, waxaana weerarkaas lagu dilay in ka badan 70 ka mid ahaa shaqaalihii la socday markabka HMS Capel.

    Waxaa badbaadiyay ciidamadii badda ee Mareykanka, waxaana loo qaaday Faransiiska si uu u soo kabsado dhacdadaas.

    Waxay ka dhigneyd in maamulkii Ingriiska ee xilliggaas aanay war ka heyn in uu noolaa.

    Markii uu yimid gurigii waalidiintiisa isagoo aan la shaacin imaanshihiisa, waxaa la rumeysan waayay sida ay ku dhacday arrintan ah in la arkay ninkii lagu tirinayay in uu dhintya.

    “Qoyskeyga waxaa ka timid illin farxadeed k markii ay albaabka ka fureen oo ay ogaadeen inaan anigu ahay,” ayuu yiri.

    “Waan xasuustaa walaashay oo kasoo carartay goob teleefoonada laga waco si ay ugu sheegto ilmaadeeraday iyo adeerkay iyo abtigay in aan la ii arkay anigoo xaaladdeyda ay wanaagsan tahay

    Sanado badan ma uusan jecleyn inuu ka hadlo weerarkii Torpedo ee lagu qaaday markabkii uu saarnaa ee HMS Capel balse dhawaan ayuu si faah faahsan ku saabsan dagaalkaas siiyay wesbite ay leeyihiin ciidamada badda.

    “Dharkaygu wuxu jeexjeexmay kabahiina wey iga baxeen,” ayuu yiri.

    “Markii aan ku dhacay badda oo aan miyirsaday waxaan ku guuleystey inaan dabaasho ,waxaa ii suurtagashay in aan ku biiro lix ama toddobo qof oo kale oo badbaaday”

    “Laba saacadood ka dib waxaa i soo qaadday doon uu leeyahay Maraykanka, waxaana la i geeyay Cherbourg Harbor ka dibna waxa aan u sii gudbay isbitaalka American field oo qiyaastii saddex mayl inoo jiray”

    “Qofna ma diiwaan-gelin magacayga, darajadeyda ama magaca markabkii aan saarnaa, baaritaan caafimaad oo la ii marsiiyay, xooggaa cunto ayaa la ii siiyay subixii dambana isbitaalka ayaa la iiga soo saaray”.

    Dhar cusub la iima siin, waxaanan dib ugu soo laabtay dekedda anigoo kabo-la’aan ah anigoo xiran shaar uu ku dadatay shidaal”

    “Aniga xilliggaas waxbo kalama socon farriin telegram aheyd oo loo diray hooyaday oo ku sugneyd Lisburn taasoo ku taariikhsaneyd 30 December 1944 laakiin waxaa warqaddii furay aabahay.

    “Waxay u qornayd sidatan: ‘Aad baan uga xumahay inaan kuu sheego in wiilkaaga H M Murphy la soo sheegay in la waayay isagoo loo malaynayo in lagu dilay dagaal.”

    Kadibwaayo-aragnimadiisa ku aadan in geeri lagu tiriyay Morrell wuxuu ku soo noqday ciidanka badda ilaa dhammaadka dagaalkii labaad ee adduunka.

    Ka dib waxa uu shaqo ka helay dawladda ka hor intii aanu hawlgab noqon.

    Dhalashadiisii ​​100aad waxa warqad usoo diray Boqor Charles III, isaga oo ugu hambalyeeyay guusha uu gaaray.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleSAWIRO:- Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS oo soo gaaray Muqdisho
    Next Article Akhriso:- Mareykanka oo soo bandhigay sawirrada buufinkii basaaska ahaa ee Shiinaha

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Daawo:- Muqaal Cabdifitaax Nuur Mataan ”Waxaan soo dhaweynaynaa Magacaabida Gudoomiyaha Gobolka Gedo

    February 22, 2023

    Cabdifitaax Nuur Mataan ”Waxaan soo dhaweynaynaa Magacaabida Gudoomiyaha Gobolka Gedo. Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu iyo…

    Xagee ayaa Soomaaliya loo wadaa – Dimuqraadiyad aan xisbiyo siyaasadeed lahayn

    March 17, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.