Neymar Oo Doortay Shaxdiisa 5-ta Xiddig Ee Ugu Fiican

54

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa doortay shaxdiisa ugu fiican ee 5-ta xiddig ah isaga oo doortay shax wada weerar ah.

Neymar ayaa shaxdiisa ku soo dartay xiddiga ay haatan PSG ka wada ciyaaraan ee Mappe iyo xiddigii ay Barcelona isaga soo garab ciyaareen ee Luis Suarez.

Sidoo kale waxa shaxda ku jira xiddiga ay haatan isku kooxda yihiin ee Messi kaas oo ay sidoo kale isaga soo garab ciyaareen kooxda Barcelona.

Xiddigaha Pogba iyo Hazard ayaa ah xiddigaha kaliya ee ayna Neymar iska soo garab ciyaarin ee uu u doortay shaxdiisa.

Neymar ayaa shaxdiisa ka reebay wax difaac ah isaga oo dhamaan ka wada dhigay weerar iyo hal xiddig oo khadka dhexe ah kaas oo ah Pogba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here