✅ (1) JAALIYADDA XAWAADLE EE NAIROBI waa jaaliyad waxtar badan leh markaa xamaasadda iyo gurmadyada la joogo laakin aan ku fiicneyn siyaasadda iyo ka talinta aayaha XAWAADLE waayo waxaa jira mar walba MAGAC & MANSAB doon badan.
✅ (2) JAALIYADDA XAWAADLE ee NAIROBI ha xasuustaan in aan soo marnay laablakacyo badan, dadaallo aad mooddo gaabis & beenguure aan waarin sida:
1- Midland State
2- G55 (HIIRAAN State)
3- Samadoon
4- KirShabeelle Doonimayno
5- Samatabixin
5- Kacdoonkii HIIRAAN
✅ (3) JAALIYADDA & Shirweynahaba waxaa kula talinayaa in awrka(ratiga) XAWAADLE nin aan furi doonin sidii WAARE ama kuwii ka horeeyey aan loo ogolaan inuu noo raro.
✅ (4) in laga bilaabo howsha siiba shirkaan inuu xalinta arrimaha aasaasiga ah siiba (2) labo arrimood oo aad u fudud haddii lagu guuleysatane Xawaadle guul o badan oo isdabajooga uu gaari doono kuwaas oo ah:
1- In XAWAADLE si dhab ah uu cusbooneeysiiyo midnimadiisa gudaha ah ka bilaabo jufo jufo hoose Ilaa XAWAADLE weyne.
2- in XAWAADLE si dhab ah u baadigoobo midnimada HIIRAAN kana bilaabo walaaleynta qabaa’ilada la dega HIIRAAN isagoo ka bilaabay walaalaha la dega BARI uga gudbaaya kuwa degan GALBEEDKA
✅ (5) XAWAADLOW is beerxaarto ( uurkoolli) doono. Waana u ducaynayaa in tolkeey bogooda burcad Allah isku kiinmariyo
AAMIIM.
February 13, 2023