Nabadoon ka tirsan waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

 

 

 

Marxuum Muxyadiin Axmed Cumar ayaa lagu dilay xaafada Suuq Boocle oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir sida wararku nagu soo gaarayaan.

 

 

 

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa Nabadoonka ku dilay meel ku dhow hoygiisa, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

 

 

 

Ciidamada amaanka dowlada ayaa sida caadada ah gaaray goobta uu ka dhacay dilkan, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano, inkastoo aan la sheegin cid ay dilkaas u soo xireen.

 

 

 

 

 

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana garanayo sababta iyo cida ka dambeysay dilkiisa inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab