Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo soo duubay muuqaal uu uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa Jimcaha maanta ah ka dhacay Deegaanka Laas-Gacamay ee Gobolka Mudug.
Axmed Qoor-Qoor Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay caafimaad qabaan isaga iyo mas’uuliyiintii la joogtay xiligii uu qaraxa ka dhacay deegaanka ay ku sugnaayeen dagaalkana uu sii socon doonno.
Maalmaha soo socda ayuu tilmaamay in guullo muhiim ah oo waa weyn oo dagaalka ay ka gaareen ay soo bandhig doonaan, waxa uu qaraxii saakay dhacay ku sheegay in uu muujinayo soo gabagabeynta isku dayada ‘AS’ Waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa aan rabaa in Bulshada Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogto aan u sheego in aanay waxba nagu soo gaarin aniga & mas’uuliyiinta aan wada joogno dhagarta cadawga Soomaaliyeed ee Khawaariijta ah ee fashilmay, waan caafimaad qabnaa, furimaha dagaalka ayaan ku sugnayn waana ku sugnaanaynaa insha allaah, maalmaha soo socda haddii alle idmo waxa aad arki doontaan guullo waa weyn, dabar go’a khawaariijta waala joogaa, cadaw kasta oo wax sameeya wuu fashilmay wuuna fashilmi doonnaa” MW Qoor-Qoor.
Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ Kawada deegaannada Dowlad-Goboleedkaas waxaana furimaha dagaalka ku sugan madax heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ah.
Inta la xaqiijiyay qaraxii ismiidaaminta ahaa waxaa ku dhintay 2 ruux halka ay dhaawacmeen illaa 5 qof oo kale, Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta kasoo gaaray kaddib markii uu dumay gurigii ay degenaayeen.