Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah Aqalka Madaxtooyada kula qaatay Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye & Wafdi la socday.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo qudhiisa wafdigaan ka socda SSC-Khaatumo todobaadkaan kula kulmay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxa ay kala qaateen warbixin la xiriirta Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo horay u dhaceen dagaallo sababay dhimasho, dhaawac, burbur & Barakac.
Madaxweynaha ayaa Warbixintaas kaddib waxa uu siiyay talooyinka iyo soo jeedinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirta dhanka Bulshada ku sugan Deegaannada uu maamulo maamulkaan Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo.
Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa u gudbiyay warbixinno ka tarjumaya nabadgalyada, isbaddelka ka jira Laascaanood, Caqabadaha iyo culeyska heysta shacabka ku nool.
Ciidamada Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool 25kii August 2023 kaddib markii weerar xooggan ay ku qaadeen ciidankii Somaliland ee joogay Xerada Goojacadde iyo saldhigyo kale.