Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka qaybgalaya saddex shir oo heer caalami iyada oo kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doonno ka qaybgalayaasha.
Shirka 1aad ee Riyaad ka dhacaya waa Kulan gaar ah oo Jaamacadda Carabta ka leeyihiin xaaladda ka taagan Magaalada Gaza oo muddo bil ka badan duqeyn xooggan oo arxan-darro ah ka geysanayaan Ciidanka Yuhuudda.
Kulanka 2aad waa Shirka aan caadiga ahayn ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo madaxda waddamada ururkaan ku mideysan ay ka qaybgalayaan si ay uga arrinsadaan dhibaatooyinka ka jira Magaalada Gaza.
Madasha 3aad waa shir gaar ah oo u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya & Waddamada Qaaradda Afrika si loo kordhiyo cilaaqaadka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Dalkaan Carbeed uu la wadaago Dalalka Afrikaanka ah.
Waxaa intaas dheer kulamo doceedyo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaadanayo ka qaybgalayaasha saddexdaas kulan oo ay kawada hadlayaan xaaladaha iyo xiriirka ay wadaagaan.
La soco wixii kasoo kordha.