Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa barqonimadii maanta gaaray Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed si uu uga qaybgalo wajiga 2aad ee shirka dib u heshiisiinta ee xalka loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wafdiga Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS ayaa dhanka kale Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed ka sameynaya kulamo lagu xoojinayo diyaargarowga howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu si toos ah uga billaaban doonno Dowlad-Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.